Maxaa ka jira in ciidamo ku hareeraysanyihiin guryaha ay

Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo gaadiid dagaal ayaa lagu arkay xaafado ka tirsan Buulo Xuubey ee degmada Wadajir ah, halkaasoo ay degan yihiin inta badan Musharaxiinta Hogaamiyaha Soomaaliya ee 2021.

Goobaha Ciidamada ku sugan yihiin ayaa waxaa ka mid ah Laami yaraha Zoobe, Isgoyska Ceel Qalaw, Macruuf, agagaarka Somalia Airline iyo jidcayaasha waxa ayn  ciidamadaani diidayaan in ay galaan guryaha ay daganyihiin Siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa goordhow shaaciyay in sanadkii labaad ay dowladdu waddooyinka ka xireyso, si looga hortago xuska 17 december oo ku beegan xilligii la weeraray hoyga uu degan yahay, waxaa uu xusay in ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in lagu qabanayo xuska.

“Waa sanadkii labaad oo shacabka Muqdisho waddooyinka laga xiro, iyadoo laga hortegayo xuska 17 December. Waxaa ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in xuska lagu qabanayo, wadda kastana waa la xiray. Hogaamiye Farmaajo isaga ayaa amray xasuuqa, islamarkaana diiddan xusuusta iyo baroordiiqda. Xusku wuu dhacayaa ee Hogaamiye shacabka waddooyinka u fur” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa isna sheegay in Ciidamada dowladda ay hareereeyeen guryaha ay degan yihiin qaar ka mid ah Musharaxiinta.

“Ciidamada Farmaajo saakay u diray guryaha musharaxiinta cawaaqib xumada ka dhalata mas’uuliyadeeda isaga ayaa qaadi doona”ayuu yiri Mahad.

Xaafadaha Buulo Xuubey ee ay saaka Ciidamadu hareereeyeen ayaa waxaa degan qaar ka mid ah Musharaxiinta ugu tunka weyn sida Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo C/raxmaan C/shakuur iyo qaar kale.

Dowladdu ma bixin faahfaahin la xariirta sababta keentay in la xiro wadooyinka Caasimadda hayeeshee ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in dowladdu ay ka baqayso in ay Muqdisho ka dhacaan baxaan baxyo looga soo horjeedo Dowladda Faderaalka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More