Maxaa ka socda magaaladda Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle? –

0

Sawirka Baraha Bulshada

Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ka socda dhaqdhaqaaq xoog leh oo ku aadan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Hase yeeshee Jadwalka ay horaantii bishan soo bandhigeen guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ayaa waxaa ka muuqata dib u dhac, waxaana jadwalka uu ahaa in la bilaabo 21ka bishan diyaarinta iyo soo gudbinta liiska xildhibaanada.

Hase yeeshee Guddiga ayaa weli ku guda jiraa xereynta iyo u sameynta aqoonsiyo duubabka dhaqanka iyadoo weli aysan iman duubab dhaqan oo ka mid ah duubabka Hirshabelle.

Waxaa magaalada Jowhar ka soconaya kulamo gaar gaar ah kuwaasoo ay xildhibaanadii hore iyo musharaxiinta cusub ay la sameynayaan  qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan duubabka dhaqanka iyo nabadoonada.

Waxaa gaaray magaalada Jowhar musharaxiin badan oo doonaya in ay ka mid noqdaan xildhibaanada baarlamaanka 2aad,kuwaasoo intooda badan ka imanaya caasimada dalka ee Muqdisho halka qaar kalana ay dalka dibadiisa ka yimaadeen.

Inta badan xildhibaanadii hore ayaa wadnaha farta ku haya iyagoo ka baqaya in ay waayaan kuraasta, halka musharaxiin kale oo u badan dhalinyaro ay iyaguna doonayaan inay ku fariistaan kuraasta.

Duubabka dhaqanka ee soo gaaray magaalada Jowhar ayaa lagu xareeyay dhisme ku dhow Madaxtooyada Hirshabelle waxaana aad loo adkeeyay ammaanka gudaha iyo agagaarka xaruntaas.

Sii hayaha xilka Hogaamiyaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaan ka dhex muuqan howlaha ka socda magaalada Jowhar.

Soo xulista xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ayaa waxaa sidoo kale dib u dhac uu kala kulmayaa dowlada federalka oo aan weli kala cadeyn mowqifkeeda ku aadan hannaanka loo maraya dhisida baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.

Xubnaha golaha wasiirada cusub ee aan weli la ansixin ayaa waxaa xilal ka haya qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Hirshabelle sida Wasiirka Arrimaha Gudaha,Wasiirka Amniga,Wasiirka Caafimaadka,Wasiirka Gargaarka iyo ganacsiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More