Maxaa ka soo kordhay dagaalkii Al Shabaab & ciidanka Dowladda ku dhexmaray gobolka Galgaduud?

Ugu yaraan Saddex ruux ayaa ku geeriyootay dagaal laba jeer dhexmaray Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya iyo Al Shabaab oo ka dhacay deegaanka Miir-Dugul ee duleedka bari ee magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa barqanimadii iyo duhurnimadii maanta wuxuu ka dhacay inta u dhexaysa deegaanada Miir-dugul iyo Bulacle ee Gobolka Galgaduud oo ay maalin ka hor ku dagaalameen ciidanka Dowladda iyo Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa Axadle u sheegay in hada xaalada deegaanadii laga dagaalamay ay dagantahay, inkastoo aysan kala fogayn dhinacyadii dagaalamay waxaana dhinacyado wadaan abaabul dagaal sida dadka deegaanka ku waramayaan.

Saraakiisha qaybta 21aad ee Militariga Soomaaliya ayaa sheegaya in ay Al Shabaab ka saareen deegaanada Xootooye, Miir-dugul iyo Bulacle hada ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan islamarkaana Khasaare ay ku gaarsiiyeen Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii ka dhacay Miir-dugul ay ku dileen 3 askari oo ka tirsan ciidanka Galmudug isla markaana ay gubeen gadiid dagaal sida ay daabacday warbaahinta ku hadasha Afka Al Shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo qoraal ku daabay bartiisa Internet-ka waxa uu sheegay in ciidanka Dowladda gaareen guulo tabankaro isaga oo sheegay in ay qaadayaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.

Cali Daahir Ciid ayaa sidoo kale tacsiyeeyay geerida Askari lagu magacaabo Cabdi Cali Hore oo geeriyooday dagaalka sida lagu Cadeeyay qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa hawlgal gaafmeer ah ka wada deeganada duleedka ah goobihii lagu dagaalamay si ay u xaqiijiyaan ammaanka halkaasi, waxaana Al Shabaab u ruuqaansadeen deeganka Cadda Xaar ee Gobolka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More