Maxaa kasoo baxay kulankii Rooble iyo beesha

13

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka, xilli ay xiisad siyaasadeed ka taagan tahay Caasimadda Muqdisho.

Kulankan oo u dhacay hab fogaan arag ah ayaa Rooble wuxuu wakiilada beesha caalamka kala hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha taagan ee saameynta ku leh amniga, siyaasadda iyo geedi-socodka iyo dhammeystirka doorashooyinka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay.

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka in is faham laga gaaray arrimaha doorashada Gobollada Waqooyi ee Gobaladda Waqooyi, lana soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna deg deg u bilaaban doonto doorashada Xildhibaanada labada gole ee matalaya Gobaladda Waqooyi,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Madaxweynaha HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe uu soo saaray liiska murshaxiinta, isagoo u rajeeyay in doorashadu u qabsoonto sida ugu dhaqsaha badan. Waxuu kaloo xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ay soo saareen jadwalka doorashooyinka oo faahfaahsan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo Madaxweynuhu arrintaas ay isku aragti ka noqdaan.

Xubnaha beesha caalamka ayaa la rumeysan yahay inay si buuxda u taageersan yihiin hoggaaminta ra’iisul wasaare Rooble, xilli ay awoodda dalka isku hayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.  

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More