Maxaa ku dhacay kiiskii carruurtii lagu dilay Baydhabo?

Muqdisho (Axadle) – Wasiirka wasaarada cadaalada ee dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya maxamed xuseen xasan (joon) oo lahadlay warbaahinta ayaa sii hormariyey hormarinta baaritaanka kiiska caruurtii dhawaan sida arxan darrada ah loogu diley duleedka magaalada baydhabo.

Wasiir Joon ayaa sheegay in ilaa lix qof oo kale loo xiray dhacdadan kadib hawlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka ee maamulka koonfur galbeed.

Wuxuu sheegay in dadka la qabtay ay ku jiraan afar rag ah iyo labo dumar ah, kuwaasi oo uu sheegay in baaritaan dheeri ah ay ku socdaan.

Wasiirka cadaalada koonfur galbeed wuxuu kaloo raaciyey in baadi goobka loogu jiro tuhmanayaal kale oo ku lug lahaa dilkii foosha xumaa ee loo geystey laba caruur ah oo uu dhalay allaha u naxariistee xildhibaan hore sheikh Aweys cabdulaahi oo loo yaqaanay alshabaab

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in kiiska sida ugu dhaqsiyaha badan loo xiro si eedeysanayaasha la soo qabtay sharciga loo horkeeno.

Caruurtan ayaa dhawaan la geeyay dugsi Quraan waxaana lagu dilay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More