Maxay tahay cabsida Kenya ka qabto in ciidanka Soomaaliya ay

Sida uu qoray wargayska Afka dheer ee Nation dhowr saacadood kadib markii Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay Kenya, Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed (SNA) ayaa la geeyay xadka ay labada wadan wadaagaan.

Gobolka Mandheera, dadka deegaanka ayaa u sheegay Nation in ay arkeen ciidamada XDS oo qabsanaya fariisimo istiraatiiji ah oo ku teedsan xadka lada dhinac.

“Waxaan ku soo baraarugnay aragtida saraakiisha millatariga ee ku sugan xadka. Tani waa mid walaac badan leh, ”ayuu yiri Cali Cabdille oo ka mid ah dadka deegaanka.

Wargayska ayaa ku waramay in maanta oo talaado ah ciidanka Soomaaliya ay qaadeen talaabooyin ay ka mid tahay in gawaari tikniko ah la dhigo xuduud beenaadka ay labada dhinac wadaagaan, oo sababtay in dadka deegaanka ay guryahooda ka barakacaan.

Sarkaal sare oo katirsan nabad sugida magaalada Mandheera oo codsaday inaan la magacaabin ayaa xaqiijiyay imaatinka saraakiisha militariga Soomaaliya isaga oo la hadlayay wargayska Nation.

“Waxaan haynaa macluumaad ku saabsan waxa ka dhacaya xuduuda laakiin taasi waa arin ay go’aan ka gaari doonaan xafiisyada sare ee Nairobi,” ayuu u sheegay Nation.

Walaaca Kenya ayaa yimid iyada oo maanta TV-ga Dowladda uu sii daayay muuqaal ciwaan looga dhigay “Calanka iyo Ciidda Jamhuuriyadda Soomaaliya” oo muujiyay calanka Soomaaliya oo ka babanaya xuduud beenaadka ay wadagaan Kenya iyo Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa xalay ka sheegay TV-ga qaranka in Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Kenya.

Dubbe ayaa sheegay in Kenya ay “faragelin joogto ah” ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya iyo in Nairobi ay ku xad gudbeyso madaxbanaanida Soomaaliya.

Ku dhawaaqiddan ayaa timid iyadoo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu magaalada Nairobi ku qaabilay madaxweynaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi.

Ganacsade ku sugan magaaladda Mandheera oo lagu magacaabo Issack Adan ayaa yiri: “Waxaan ka codsaneynaa Nairobi in ay hubiso in arin kasta oo labada dal udhaxeysa la xaliyo si nabad loo helo.”

“Xaaladdan waxa ay saameyn ku yeelan doontaa is-dhex-galka ganacsi ee u dhexeeya Mandheera iyo Soomaaliya maadaama aan Muqdisho ka helno inta badan alaabteenna,” ayuu raaciyay.

Mandheera waxa ay si aad ah ugu tiirsan tahay Muqdisho marka la fiiriyo sahayda ganacsi iyada maadaama ay masaafo ahaan aad ula kala fogyihiin magaaladda Caasimadda u ah Kenya ee Nairobi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More