RAYSALWASAARE HORE ROOBLE OO GUDAN WAAYAY IN UU FULIYO DOORASHADII LOO XILSAARAY

10

Run ahaan banii aadamku markuu helo faraj iyo khayr wuxuu mudan yahay in uu shukriyaa oo illaahay u mahad celiyaa. dadka soomaaliyeed waa in ay xasuustaan burburkii dawladnimo 1991 dii wixii soogaaray oo dhibaato ahaa,lagama sheekayn karo,markii dawladii lawaayay wixii dhacay, maxaa xasuuqa,maxaa dumar lafaraxumeeyo ah,maxaa caruur lalaayo ah,maxaa hanti iyo maal ka burburay soomaali,maxaa aabe ladilay, maxaa hooyo la dilay,maxaa oday iyo aqoon yahan iyo culimo lalaayay,maa umad qaxday,maxaa abaar iyo oon u dhintay,maxaa dhiig la aan u dhintay,maxaa dibadaha u qaxay oo gaaloobay.maxaa tahriib jidka ku silcay kuna dhintay,maxaa………maxaa…… ma dhamayn karo hadaynu wadno in mudo ah.

Waa ogsoonahay dhaqankii madaxweyne hore xasan sheekh iyo dawladiisii,maxaa dil ah maxaa boob ah hantidii dadweynaha,maxaa shisheeye raacnimo ah lagama sheekaynkaro xaalkii mogdisho iyo soomaaliya xiligii xasan sheekh. hadaba waxaa cad in doorashadii madaxweyne farmaajo 2017 kii,aynu helay madaxweyne aamin ah ilaaliyay hantidii qaranka oo naftiisa ka ilaaliyay,kadibna dawladiisa ka ilaaliyay in dalka hooyo la khiyaamo aan hantida dadweynaha la dhacin taasoo ah xaaran taasoo aysan ogolayn shareecada islamka iyo sharcigeena dawladnimo midna. hadaba sifahan markii madaxweynihii yeeshay maxaa dhacay weeye?

Waxa dhacay in mogdisho nabad noqoto,dilkii iyo qaraxyadii yaadeen,waxaa helay mushaharkoodii oojoogta ah ciidamadii dalka oo aan heli jirin xiligii xasan sheekh,waxaa helay mushaharkoodii shaqaalihii dawlada oo dhan. maxaayeelay khasnadii dakhliga dalkeena waa buuxdaa ileen lama dhaco sidii shalay ee. aduunkii oo dhanbaa inoo qiray in baanka dawlada soomaaliyeed lacagi kabuuxdo ah hanti soomaaliyeed oo ay leeyihiin dad soomaaliyeed,markaasaa layna aaminay oo daymankiina laynaga cafiyay dadnimana laynoo qiray.

Waxaan oganahay in madaxweyne farmaajo dib u dhisay bilicdii goboka banaadir iyo caasimadeena mogdisho.maanta aduunkoo dhanbaa xiisaynaaya in ay u yimaadaan dalxiis waana guul soomaaliyeed. shacabka soomaaliyeed wanaagaan illaahay siiyay oo uu ka hor wareejiyay dhibaatadii waa in ay ku shukriyaan xajistaana dawladnimadooda oo u dagaalamaan kana hor yimaadaan cidkastoo boob iyo dhac raadinaysa oo beeso doon ah una adeegaaya shisheeye aan inoo rabin dawladnimo iyo nolol midna.

Waxaa nasiib daro ah in rooble uu gudan waayay xilkii weynaa ee loo igmaday,oo ahaa kaliya in uu fuliyo nidaamkii doorasho ee siyaasiyiintii is haystay oo ahaa dawlada dhexe ee fadaraalka iyo dawlad goboleedyadii oo heshiis ka gaaray tubta doorasho ee dalka in kaliya uu fuliyo u dareerida doorashada. gudiyo doorasho oo madaxbanaan ayaa jira,hadaba isagu wuxuu burburiyay oo hor istaagay in doorashaba qabsoonto wuxuuna noqday mid aan garan karin xaalada dalka iyo waxa laga rabo oo umada soomaaliyeed ka sugayso madaxweynuhuna u xilsaaray. hadaba rooble waxa uu yahay nin shaqo kale haya oo ah meesha waad katagi ee fursad weeyee ka lacagayso!! mudo markuu wuxuu dhaco waayay ayuu u yeertay tuugadii xasan sheekh mid kamid ah oo loo yaqaan 30 jirkii sodonka malyan dhacay! wuxuu kula taliyay in uu hotelkiisa liido ka dhisan dhigiisa ka dhisto meel xeebta u dhaw,waana tankeentay boobka indha la aanta ah iyo ceebta taariikhiga ah ee uu garan waayay dhulkan waa dhul ciidanka xooga dalka soomaaliyeed!

waxa u muuqata hotel uu kasameeyo lacagbadan.waa nin kunoolaa dalka isweden oo sida xog hoose lagu ogaaday qof ahaan caadi maha maskaxiyan soomaalidu hada unbay ogaatay. waa nin aad ugaajaysan oo wax walba dhaafsanaaya shilin. in uu sidaa yahay ka fahan ninka wasiir ka dhigtay nin dadkii mogdisho ku soo qaxay ee baydhabo kayimid xoogaagii gargaarka ahaa ee hay aduhu lasoo gaareen dhexda u istaagay ee sodon malyan sidaa ku helay isagoo og hadana ka dhigtay saaxiibkiisa koobaad. waxkalana maha khibrad buu ku tuhmayaa habka lacagaha loo dhaco ah oo kaliya ee dankale kamalahan. rooble dawladnimo siyaasad iyo maamul midna mayaqaan mana garan karo noocaana maba aha,waanin baahan oo shilin raadis ah. markaa meel mawada gali karaan nin aamin ah iyo horor tuug ah oo aan waxba xeerinaynin. madaxweynuhu xaqbuu uleeyahay waana waajib diiniyan ah oo saaran in uu cayriyo kana qabto hantida dalka,

Soomaalidu sidii hore maha waa ilbaxnay,nin qabiil iyo maleeshiyo beeled danbe noo isticmaali karaa majiro waa ilbaxnay. maagalada mogdisho shacabkeedu waa ogyihiin tuugada iyo noocyadooda kala duwan waana ogyihiin wadaniga iyo cida dalkaan wadi karto oo aaminka ah. waasoo maray xili shacabka soomaaliyeed lagu kiciyo reer hebel,si kursi loogu gaaro oo kaliya. qabiilkuu rabo ha ahaado qofkii noo roon aan rabnaa hadaan soomaali nahay. tuugada qabiil malaha waa tuugo. dhalinyarada jaamacadaha dhigta ee mogdisho maa hada la rabaa in la baabasho,guryaha iyo ganaacsiga iyo hantida iyo nabada mogdisho taalaa laga xunyahay laakiin soomaali waa diiday dibdanbe rabsho iyo dagaal. hadii la qabto doorasho dadka farmaajo ayay jecelyihiin oo soobaxaaye doorasho marabno war maha. rooble beesada bakaaraha taal ma u jeedo miyaa,muu xamaasho,mise hantida qaranka aa ka fudud in la boobo?

rooble haduu waxba qaban waayay oo fadhiid noqday layna cayriyay macnaheedu maha in doorashadii istaagtay,isaga waa labadalayaa doorashaduna way dhacaysaa qof shaqo waa loo dhiibaa haduu gudan waayo waa la cayriyaa.boqolaal baa joogta fulin karta shaqadaan. raysalwasaare shaqada laga cayriyay soomaaliya kuma cusba kana waa lamid hayna dhaafo hanyare beeso doon ahi.

Yuusuf Cuma Mashruuc5@hotmail.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More