Saraakiil ciidan oo ku dhaawacmay qaraxa

Laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay markii gaarigii ay la socdeen ay miino kula kacday inta u dhexeysa magaalada Balcad iyo deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Saraakiishan ayaa la socday gaari Cabdi Bilaha ah oo ay adeegsanayeen ciidamada, waxaana soo gaaray dhaawac fudud sida ay sheegeen saraakiisha militariga Soomaaliya.

Ilo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa Axadle u sheegay in saraakiisha la dhaawacay lagu kala magacaabi jiray Yaasiin Cabdi Tooxow iyo Nuur Dheere waxayna kusii jeedeen gaari Al Shabaab ay ku gubeen meel u dhow deegaanka Gololey ee gobolka Sh / dhexe

Labo gaari oo nuuca xamuulka qaada ah ayaa waxaa gubay dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, xilli ay ku soo jeedeen Magaalada Muqdisho.

Wadada isku xirta Degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa ah wado halis ah oo labo maalmood ka hor miino ay la kacday gaari bas ah ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof oo rayid ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More