Sawirro: Farmaajo oo ka qeyb-galay munaasabad ka

4

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayey maalinta Calanka ee 12-ka October oo maanta ku beegan.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Villa Soomaaliya, ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay guddoomiyaha golaha shacabka, guddoomiyaha maxkamadda sare, taliyeyaasha ciidamada, duqa Caasimadda Muqdisho, xildhibaano, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka munaasabaddan ayaa wuxuu ahaa in lagu weyneeyo maalinta asaaska Calanka ee 12-ka October, waxaanana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga.

War kasoo baxay xafiiska Farmaajo, kadib munaasabadda ayaa waxaa marka hore hambalyo loogu diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka hadlay muhiimadda Calanka.

“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 67 sanno ka hor halyey Maxame Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Villada.

Sidoo kale madaxweyna muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.

Dhanka kjale Rooble ayaanan ka qeyb-gelin munaasabadda oo lagu xusayey maalinta qaran ee Calanka, waxayna tani muujineysaa in weli meeshii ugu sarreysay uu taagan yahay khilaafka ka taagan Villa Soomaaliya ee u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyey dadka Soomaaliyeed, kadib qoraal uu soo saaray goor sii horreyay wuxuuna yiri “Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor. Calankeena ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda,”.

Sanad walba maanta oo kale 12-Oktoobar ayaa si weyn loo xusaa maalinta Calanka, iyada oo la qabto xaflado iyo damaashaadyo kale oo lagu weynaynayo markii ugu horeysay oo la isku raacay Calan Soomaaliya leedahay waxaana inta badan laga sheekayaa taariikadiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More