Somaliland oo DFS uga dacwootay Beesha Caalamka Doorashada 20/21 Awgeed!

Warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ay u gudbisay Dacwad ka dhan ah Dowladda Federaalka oo salka ku heysa Doorashada dalka 20/21 ee dhawaan heshiiska laga gaaray.

Somaliland ayaa Xaanshidaan gaarsiisay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dhammaan Daneeyaasha Arrimaha Soomaaliya, si ay ula socdaan dacwadda ka dhanka ah Dowladda Federaalka.

Maamulka Somaliland ayaa ku doodaya in uu Soomaaliya ka go’ay 18-kii May 1991-dii, waxaana sanadkaas uu ku beegan yahay markii ay dhacday Dowladdii Militariga ahayd ee dalka maamuleysay 21-ka sano.

Balse Somaliland ma aysan helin Aqoonsi, waxaana qoondada Beesha Caalamka lagu siiyaa qayb kamid ah Soomaaliya, halka Xubno deegaan ahaan kasoo jeeda ay qayb ka yihiin qaybaha kala duwan ee hay’adaha DFS.

Golayaasha Shacabka, Aqalka sare iyo Wasiirada ayay shax kuraas ah ku leedahay Somaliland, waxaana doorashadooda lagu qabtaa Magaalada Muqdisho Caasimadda Dalka, maadaama aysan suuragaleyn in Hargeysa lagu qabto.

Maamulka Talada Somaliland haya ayaa marar badan sheegay in aysan qayb ka ahayn howlaha siyaasadda ee Dalka, balse waxaa arrintaas waxba kama jiraan ku tilmaamay xubnaha deegaan ahaan kasoo jeeda ee xilalka ka duwan ka haya DFS.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More