Soomaaliya, Itoobiya & Kenya oo wajahi kara xaalado cunno

Warbixin cusub oo lasoo saaray ayaa lagu sheegay in Xaaladda bani aadamnimo ee geeska Afrika ay sii xumaan karto Bilaha ugu dambeeya sanadkaan, sida ka muuqata saadaalinta la bixinayo.

Soomaaliya, Itoobiya & Kenya waa saddexda waddan ee laga tilmaamay Geeska lagana muujiyay welwelka xaaladda cunno la’aanta ah & Abaarta, maadaama xannuunka Covid-19 uu saameeyay isu socodka dadka & isbadalka dhanka Cimilada ah.

Intaas waxaa usii dheer colaadda ka taagan waddamada Soomaaliya & Itoobiya, dhibaatooyinka nololeed oo markii horeba kasoo kabashadooda aan caga buuran ka taagneen, sabab la xiriirta dhaqaalaha iyo awoodda muuqata ee Dowladahaas.

Saadaalinta Roobka, isbadalka Cimilada bisha ugu dambeyso 2020 ee Deseembar & musiibooyinka dabiiciga ah ee dhacay sida fatahaadda, Abaarta, Daadadka & isku dhacyada waa astaanta ugu weyn ee loo tiirinayo welwelka cunno la’aanta ee saddexdaan dal.

Beeraleydu ma heystaan qalabka saadaalinta & la socodka isbadalka Cimilada, halista ugu weyn waa bilaha Oktoobar ilaa Deseeembar, haddii aysan helin gurmadka ay u baahan yihiin waxa ay waji karaan dhibaatooyin khatar ah.

Tan iyo 2016-kii Beeraleyda Waddamada Geeska Afrika kunool waxa ay ku dadaalayeen kasoo kabashada dhibaatooyinka gaaray, waxaana si rasmi ah haatan u saameeeyay xannuunka Covid-19 oo hakad-geliyay isu socodka guud ahaan dalalka Caalamka.

Warbixintaan cusub ayaa xustay in marka laga tago Kenya in waddamada Soomaaliya & Itoobiya ay wajahayaan qalalaase siyaasadeed, waana qayb kamid ah culeyska Bulsho ee ka jira dalalkaas.

Qaramada Midoobay oo 4-cishe kahor maamustay maalinta Cunnada Adduunka ayaa soo bandhigtay xaaladda cunno yarida ee waddamada caalamka, si gaar ah waxa ay dul istaagtay dhibaatada uu reebay xannuunka Coronavirus.

Isha:  El Espectador  / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More