Tirada dadka ay Gobaladda Waqooyi u xirtay calanka Soomaaliya darti…

Hargeysa (Axadle) – Xarunta Xuquuqal Insaanka Gobaladda Waqooyi ayaa si rasmi ah u shaacisay tirada dadka Gobaladda Waqooyi loogu xiray calanka Soomaaliya, ayada oo xukuumadda Muuse Biixi ka dalbatay inay sii dayso dadkaas oo sifo sharci ahayn u xiran.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xarunta Xuquuqal Insaanka oo ay ku saxiixneyd Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud oo ah Guddoomiyaha xaruntaas ayaa waxaa lagu sheegay in kiiska calanka Soomaaliya ilaa hadda u xiran yihiin 42 qof, oo laga soo xiray Boorama, 26 June 2021.

“Dadkaasi waxay ku kala xidhan yihiin Boorama iyo Gabilay, ilaa hadana wax maxkamad ah lama hor geyn, wax danbi ah oo lagu soo oo gayna majiro. Dadka xidhan 7 kamid ahi waxay ku xidhan yihiin Boorama, hal ka ay 35 kale na ku xidhan yihiin Gabilay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Sida ku cad Qodobka 25 (2) ee dastuurka Gobaladda Waqooyi Qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu bahayn. Sharcigu waxa uu mabnuucaya in qofka loo xidho sifo aan sharci ahayn, lana hayo in ka badan 48 saacadood sida ku cad Qodobka 27 (2) ee Dastuurka.”

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidamada is hortaageen xubno ka tirsan Xarunta Xuquuqul Insaanka oo ayagu rabay inay booqdaan xabsiga Gabiley, si ay ugu kuur-galaan xaalada Gabdho ugu xirnaa xabsigaas calanka Soomaaliya.

Waxay ku eedeysay xukuumadda Gobaladda Waqooyi inay sifo sharci darro ah ay xabsiyada ugu hayso 42 qof ee loo haysto kiiska la xiriira calanka Soomaaliya, islamarkaana ay ka hor-istaagtay inay booqdaan ehelkooda.

“Xaruntu waxay la kulantay oo waraysi siiyay qaar kamid ah eheladii dadku ka xidhanyihiin, kuwaas oo xarunta uga waramay inaan loo ogalayn inay dadka ka xidhan booqdaan. Qodobka 27 (1) waxa uu jideeyay “qofka xoriyadisa laga qaaday inuu xaq u leeyahay sida ugu dhaqsaha badanleh inuu ula kulmo eheladisa” Dhamaan dadka xidhani waxay wajahayaan xadhig sharci daro ah.”

“Dowladu waxay ku xad gudubtay mabaadiida dastuuriga ah ee damaanad qaadaya xoriyaad ka aasaasiga ah ee muwadiniinta. Qodobka 32 (1) waxa u damaanad qaadayaa in qofku xaq u leeyahay inuu rayiga ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah amaba qaabkale.”

Ugu dambeyntiina waxay Xarunta Xuquuqal Insaanka ka dalbatay xukuumadda Gobaladda Waqooyi inay sida ugu dhaqsaha badan usii dayso dadkaasi u xiranka calanka Soomaaliya oo sifo sharci darro ah loo haysto, islamarkaana ay dowladda ixtiraamto dastuurka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More