TPLF oo ku hanjabtay inay maalmo ku qabsan doonto jidka Addi…

Addis Ababa (Axadle) – Waxaa saacadihi la soo dhaafay xoogeystay dagaallada ka socda dalka Itoobiya, iyadoo jabhadda TPLF ay sii waddo faariisimaha ay ka sameysaneyso goballada deriska la ah.

Hogaanka sare ee ciidamada Tigray-ga ayaa sheegay in ay isku ballaarinayaan xadka gobalkooda uu la wadaago gobalada Canfarta iyo Amxaarada.

General Tsadkan Gebretensae, oo la sheegay inuu haatan yahay hogaamiyaha garabka ciidanka ee TPLF oo la baxay TDF, islamarkaana ahaa taliyihii ciidanka milatariga itoobiya ee xiligii dagaalka Eritrea, ayaa sheegay inay maalmo gudohood kula wareegi doonaan jidka Addis Ababa iyo Djibouti isku xira.

”Hawlgalkii Charchar ilaa Mile ee deegaanka Canfarta wuxuu kusoo gaba gaboobay si wanaagsan, haatan waxaan si deg deg ah kula wareegi doonnaa jidka isku xidha Itoobiya iyo Djibouti waxaana si toos ah gargaarka ugu furi doonnaa dadkayaga,” ayuu yiri General Tsadkan Gebretensae.

Waxa uu intaas ku daray inay ciidamadooda ay ku guuleysteen inay bur buriyaan fariisimo ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deegano dhowr ah .

“Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaan ku guulaysanay inaan burburino ciidankii ku sugnaa aaga Qobo iyo Woldie, oo ay kamid ahaayeen ilaaladii madaxtooyada, haatana awooda ciidan waa mid anaga noo xaglinaysa, waxaana Addis Ababa gali karnaa anagoon wax iska caabin oo wayn ah la kulmin,” ayuu yiri jeneraalka.

Dhanka kale, wararka ka imaanayo Gobalka Canfarta ee dalka Jabuuti ayaa sheegaya in ay dadka shacabka ah billaabeen in ay isaga baxaan guryaha xilli ay ka cabsi qabaan inay soo weeraraan Tigray-ga.

Abiy iyo xulafadiisa ayaa waxaa tan iyo May ku sucda dagaallo ay adkaatay in ay iska caabiyaan, TPLF ayaana wacad ku martay in ay dalka kala wareegeyso xukuumaddiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More