Tuhmane Evans Juma ayaa loo haystaa eedeymo ah inuu kufsi & dil 5 gabdhood ah geystay

Nin looga shakisan yahay inuu yahay dilaa ayaa lagu qabtay Uasin Gishu ka dib markii uu qirtay inuu dilay shan gabdhood oo yar yar ka dib markii uu kufsaday oo uu sumcad xumeeyay.

Bayaan ay soo saartay Sabtidii, Agaasinka Baarista Dambiyada (DCI) wuxuu ku sheegay Evans Juma Wanjala – oo ah tuhmane fuliyay dilkii foosha xumaa intii u dhaxeysay Disember 31, 2019 iyo June 15, 2021- wuxuu u geystay faraxumeyn dhibanayaashiisa ka hor inta uusan ceejinta ku dilin.

Wanjala ayaa wajihi doona maxkamad isagoo lagu soo oogay dambi ah dil sida ay booliska sheegeen.

Arbacadii, nin kale ayaa la xiray, oo ay boolisku ku sifeeyeen “dhiigyacab” waxaa uu qirtay dilka naxariis darrada ah ee ugu yaraan 10 carruur ah.

Masten Milimo oo 20 jir ah ayaa saraakiisha geeyey goobtii uu meydkooda ku qariyay carruurtii uu diley duleedka magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Maxkamad ku taal Nairobi ayaa amartay in xabsiga lagu sii hayo 30 maalmood si booliiska loo siiyo waqti dheeri ah oo ay kiiska ku baaraan.

“Xariga labadan tuhmane waa guul weyn oo laga gaaray baaritaanadayada, waxay wajihi doonaan cadaalad” ayuu yiri George Kinoti, oo ah agaasimaha waaxda dambi baarista oo waalidiinta ku booriyay inay il gaar ah ku hayaan caruurtooda.

Kiisaska noocan oo kale ah ee afduubka ee ku lug leh carruurta iskuulka aadaya, qaarkoodna ay ku dambeeyaan inay dhintaan, ayaa noqdey mid argagax ku abuuray waalidiinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More