Waaxda Difaaca Mareykanka ma aqbali doontaa in Trump uu

Maqaal uu daabacay Teleefishinka Turkish State International (TRT) waxa uu uga hadlay qorshaha isbadalka Donald Trump haddii ay dhacdo in uu markale hoggaamiyo Mareykanka 4-sano oo kale.

Teleefishinka oo daba-socda hadalkii Trump 13-kii Oktoobar 2020 uu ku sheegay in uu la baxayo Askarta Soomaaliya ka joogta oo tiro ahaan u dhaxeysa 650 ilaa 800 oo dhamaan ah Caawiyaal la shaqeeya Askarta Dowladda Federaalka & AMISOM.

Trump ayaa Waaxda difaaca Mareykanka u gudbiyay rabitaankiisa la xiriira in uu Soomaaliya ka saaro Askarta ka joogta Soomaaliya oo muddada uu xafiiska joogay fuliyay weeraro uu amray, halka dhankooda Al-Shabaab ku beegsatay meelo ay ku sugnaayeen.

Maanka ayuu ku hayaa Askart ku sugan Sooamaliya sida saraakiisha Midowga Yurub ka socota, Ingiriiska oo DG Koofur Galbeed gacan ka siiya dhanka Amniga, Turkiga oo Xero ciidan caasimadda ka furtay & Midowga Afrika oo Qaramada Midoobay dhaqaale uga qaata howlgalka AMISOM.

Qubaro ciidan oo uu wareystay Teleefishinka ayaa suuragalnimada bixitaanka Ciidamada Mareykanka u tusaale qaatay Qorshaha Askar ka saarista Dalalka Afgaanista & Ciraaq oo Ameerikaanku waqti, naf & maalba geliyay.

Laga soo bilaabo 20-kii Janaayo 2017-kii oo ah waqtigii uu saldhigtay Madaxweynihii 45-aad ee Mareykanka Donald Trump ilaa 9-kii September 2020 oo ah weerarkii ugu dambeeyay ay Soomaaliya ka fuliyaan Diyaaradaha Duulliye la’aanta ah ee Drones-ka loo yaqaan.

Waa uu ka duqeyn badan yahay marka la barbar-dhigo weerarada uu amray madaxweynihii 44-aad ee xilka ku wareejiyay Barack Obama, kaliya sanadkaan Mareykanka uu Soomaaliya ka fuliyay 46-duqeyn.

“Al-Shabaab weli waa shabakad qatar ah oo u baahan cadaadis caalami ah oo la saaro hoggaankeeda, dagaalyahannadeeda, ilaha dhaqaalaha & qorshe waliba oo lagu burburin karo” Sidaasi waxaa yiri sarkaalka Mareykanka u qaabilsan Afrika oo fariin u diray Teleefishinka TRT.

Maqaalka waxaa sidoo kale ku xusan dhaq-dhaqaaqyadii Al-Shabaab ay sameysay maalmihii tagay, waxaana kamid ah weeraro lagu qaaday Ciidamada Xoogga Dalka ee la shaqeeya Mareykanka, kuwaas oo lagu weeraray Saldhigga Ballidoogle, Afgooye, Weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Xerada Manda Bay ee Dalka Kenya & meelo kale.

Waaxda difaaca Mareykanka oo xog ogaal u ah halista Al-Shabaab & howlgalada askartooda ma sahlanaya in ay aqbalaan go’aanka Trump ee ah ka saaritaanka Soomaaliya sida ay ku doodeen saraakiil, qubaro ciidan & dad xog ogaal u ah Xaaladda Soomaaliya oo dibadda & dalka ku kala sugan.

Isha: TRT WORLD   /  Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More