Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo maamulka gobolka

Ciidamo iskugu jira Milatari iyo Boolis ayaa saakay xiray wadooyinka ugu muhiimsan ee magaalada Muqdisho, iyadoona  isku socodka  dad weynaha iyo gaadiidka la diidayo wadooyinka qaar oo ciidanku xireen.

Wadooyinka waawayn iyo jid cadayaasha soo gala ee caasimadda Soomaaliya ayaa lagu arkayaa dadka shacabka ah oo saaka lugeynaya waddooyinka mana jiraan wax gaadiid dadweyne ee isticmaalaya waddooyinka waa weyn inta badan shacabku ay isticmaali jireen.

Sababta ka dambeysay arintan ayaa lagu sheegay in ay tahay in maanta la filayo in magaalada Muqdisho uu ka dhaco banaanbax lagu taageerayo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ku milan howlaha siyaasada ayaa wada diyaar garow ay ku qabanayaan banaanbaxyo iyadoona  lagu wado in kumanaan dadweyne ah oo laga keeno degmooyinka gobolka ay ka qeyb galaan banaan baxa sida ay mustaqbal u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Banaanbaxaan ayaa jawaab ah u ah sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banadir mid maalmo ka hor dhacay oo looga soo horjeeday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dibaxyada ka dhaca caasimadda Soomaaliya oo markii horaba la tacaalaysan amaan daro ayaa ka dhaliya khasaaro iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyeed mana jirto talaabooyin looga baaqsanayo oo ay wadaan dowladda Faderaalka iyo mucaaradka ka soo horjeeda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More