Wararkii ugu dambeeyay ee Djibouti Codbixinta oo bilaabmay

Jabuuti (Axadle) – Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka bilaabatay codeynta doorashada 2021 jimcihii oo u dhaxeysay madaxweynaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle iyo musharaxa madaxbanaan Zakaria Ismail Farah.

Goobaha codbixinta waxaa lagu diyaariyay Gacmo dhaqo (Hand Sanitazer, Face Mask) waxaan aad loo kala ilaaliyey isku dhawaanshaha dadka ka muuqda sawirada goobaha codbixinta.

“Waxaan u soo baxay inaan u codeeyo madaxweynaha Jabuuti. Dabcan, waxaan dhageystay fariimaha ay ii soo dirayaan musharixiinta si aan u kala doorto. Dadku waxay leeyihiin fikrado kala duwan laakiin waan ogahay qofka aan dooranayo iyo waxa aan filayo.” Sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah cod-bixiyeyaasha.

Geelle, oo ay weheliyaan xaaskiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ayaa ololihiisa ku soo gabagabeeyay Arbacadii ciyaar qurux badan oo lagu soo gabagabeeyay garoon ay ka buuxaan taageerayaal faraxsan iyo ciyaaro dhaqameed la soo abaabulay.

“Sida aan maanta kuugu arko adiga oo tiro badan, waxaan hubaa in aad adiguna tiro badan ku jiri doontid goobaha codbixinta,” Geelle ayaa sidaa ka hor sheegay dadweyne xirnaa funaanado ay ku xardhan yihiin waraaqihiisa, IOG.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti wuxuu faray laamaha amniga, Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga Doorashooyinka inay ka shaqeeyaan xasiloonida Jamhuuriyadda inta ay socoto howlaha doorashada.

Dadka ka faalooda arrimaha Jabuuti ayaa aaminsan in Geelle uu markale ku guuleysan doono doorashada, waxaana shaki weyn laga muujinayaa in ninka la tartamayaa uu diido natiijada.

Guddiga doorashada ayaa xiri doona goobaha codbixinta ka dib markay heleen codadka waxayna sii wadi doonaan tirinta si ay ugu dhawaaqaan natiijada sida ku xusan jadwalka shaqada ee Komishanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More