Wararkii ugu dambeeyey dagaal saaka ka dhacay

9

Muqdisho ( Axadle) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxayaa dagaal haatan ka socda qeybo ka mid ah Caasimadda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa ka qarxay inta u dhexeysa isgoyska Banaadir iyo isbitaalka Digfeer oo ku yaalla degmada Hodan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu u dhexeeyo ciidaamo boolis ah iyo kuwa milatari oo uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Cali Yare oo war kooban soo saaray ayaa sheegay in dagaalkan uu sababay muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale Cali Yare ayaa meesha ka saaray in dagaalkan uu salka ku hayo arimo la xiriira siyaasad ama xiisada ka taagan Muqdisho.

“Waxaa jira is-rasaaseeyn muran dhul la xariirta. Kuma lug lahan wax siyaasad ah,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaasi, balse wuxuu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa dadka iyo sidoo kale gaadiidka.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana weli rasaas laga maqlayaa aaga isgoyska Banaadir ee Caasimadda Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More