Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay duleedka Beledweyne +…

Beledweyne (Axadle) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax nooca miinada ah gobolkaasi lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Soomaaliyeed, xilli ay howl-gal ka wadeen halkaasi.

Qaraxa ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday ciidamadaas, xilli ay howl-gal qorsheysan ka wadeen inta u dhexeysa magaalada Beledweyne iyo degmada Maxaas ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu khasaare kala duwan kasoo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa maleeshiyaadka loo yaqaano Macawiisleyda ee ka howl-gala halkaas.

Ugu yaraan labo askari oo uu mid ka mid ah ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya, halka kan kena uu ka tirsanaa maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa ku dhintay qaraxaasi.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saddex askari oo kale oo ka tirsanaa ciidamada qaraxa lagula eegtay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale u sheegay Axadle in weerarka qaraxa ah, kadib ciidamadu ay sameeyeen howl-gallo lagu baadi kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Kadib ciidamada ayaa la sheegay inay isaga sii dhaqaaqeen goobta qaraxa lagula eegtay, waxayna dib ugu noqdeen fariisimihii ay markoodii hore kasoo baxeen.

Hiiraan ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, kuwaas oo ay wadeen ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala HirShabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More