Wasiir Caadle oo Qabyo ku tilmaamay Guddiga Dhismaha

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha hoose ee DG Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo la hadlay BBC-da ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Guddiga Dhismaha Baarlamaanka labaad ee maamulkaas.

Khilaafka ayaa ka dhashay kadib markii guddigu uu soo saaray habraaca jadwalka xareynta Ergada, xulista Baarlamaanka, diyaarinta, dhaarinta ilaa fadhigooda ugu horeeyo waqtiga ay yeelanayaan.

Wasiir Caadle ayaa sheegay in Guddigu uu qabyo yahay, maadaama dood laga keenay Haweenka oo aan xubin xitaa ku lahayn, Madaxweyne Waare oo ku mashquulsan qabyo-tirkooda ay soo saareen Jadwalka Doorashada.

“Go’aamada ugu dambeeyo Hogaamiyaha Hir-Shabeelle ayaa leh, Guddigu ma dhameystirna oo waxaa ka maqan haween oo kaliya, qorshaha socday waa dhameystirka oo dumarka ayaa lagu soo darayaa si saamigooda ay u helaan” Sidaasi waxaa yiri Wasiir Caadle.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Guddigaan ma ahayn Guddi doorasho oo madax bannaan, balse waxa uu ahaa Guddi farsamo oo ka hoos shaqeynaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle oo ka tala qaadaneysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Go’aanka kasoo baxay waa sharci darro”.

Maxamed Cali Caadle Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose ee DG Hi-Shabeelle ayaa si sarbeeb ah u sheegay in Madaxweyne Waare uu kala diri karo Guddigaan oo uu horay u magacaabay.

“Saddex xubnood ayaa u diyaarsan in lagu dhameystiro si loo qabyo tiro, markii horeba qaylo ayaa ka taagneed oo lagama fakirin dhismihiisa, Madaxweynuhu isaga ayaa leh go’aamada Hir-Shabeelle oo xitaa wuu kala diri karaa” ayuu yiri Wasiir Caadle.

Hir-Shabeelle waxaa saaran culeysyo amni, Siyaasad iyo doorasho, maadaama wixii ka dambeeya Bisha Nofeembar lagu wado in ay ka dhacaan doorashooyinka heer federaal & heer Dowlad Goboleed.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More