Xasaradda doorashada Somalia: Fursad lagu heli

7

Ka dib bilo jahawareer, isjiidjiid siyaasadeed ah, hoggaamiyayaasha Soomaaliya waxa ay isku raaceen in doorashadii madaxtinimada ee dib-u-dhaca dabadheeraaday la daalaa-dhacaysay ay ugu dambeyn qabsoomi doonto 10-ka Oktoober.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda shanta maamulgobaleed ee Somalia waxa ay hore u kari waayeen in ay isku raacaan habka iyo hannaanka loo qabanayo doorashada ka hor inta uusan soo afmeermin muddoxileedka madaxweynaha oo ku ekaa Febraayo, taasina waxa ay horseedday marxalad hubanti-la’aan walaac badan leh oo shacabka ku keentay isweyddiin ku saabsan halka uu Dalku u jiheysan doonno.

Hubanti-la’aantan siyaasadeed darted ayaa waxaa waddooyinka Muqdisho ka kacay mawjado fadqalalooyin ah, goortii bishii Abriil uu Baarlamaanka Soomaaliya si Dastuurka baalmarsan ugu dhawaaqay kordhin laba sanno  oo loo sameeyay muddo-xileedkii dhammaaday ee madaxweyne Farmaajo, dhaqaaqaas oo si xoog leh ay u wada cambaareeyeen Mareykanka iyo Midowga Yurub. Isbeddelkaas Baarlamaan ee gacantogaaleysiga ahaa waxa uu Somalia  dib ugu celinayay dagaal sokeeye oo hor leh.

Cadaadis baaxad weyn leh oo ka yimid gudaha iyo dibadda ayaa Madaxweyne Farmaajo ku sandulleeyay in uu ka laabto go’aankii muddo-kororsiga, dibna uu isugu yeero hoggaamiyayaasha maamullada si looga tashto qaabeynta doorasho daah-furan oo xor iyo xalaal ah.

Balse waa tan amuurtu. Iyada oo laga duulayo waxa aan durba ogaannay, sidee ayaa ay dadka wanaagsan ee Soomaaliyeed suurtagal ugu tahay in ay aaminaan hannaanka la abuuray in uu noqon karo mid xaqsoor leh? Iyada oo laga duulayo waxa aan durba aragnay, sidee ayaa ay dadka wanaagsan ee Soomaaliyeed uga walwal-la’aan karaan in heshiisyada qarsoon ee xukuumadda jirta aysan sii socon doonin?

Warcelinta nasiibxumada ah waa in khibradahayna wadaagga ah ay hore innoo bareen in ay fiirogaabni iyo fududeysi noqonayso haddii in uun kalsooni ah laga qabo in Ra’iisulwasaaraha iyo hoggaamiyayaasha maamulgobaleedyada ay sameeynayaan waxa wanaagsan. Wax aanan maangal ahayn ayay noqon kartaa haddii la iska dhaadhiciyo in ay doorashadu guuleysan karto iyada oo ay jiraan luggooyada, leexinta iyo luqun-jibaarka lagu sameynayo sharciyada iyo heshiisyada ee heerka aan maanta arkeyno leh.

Haddii daahfurnaan buuxda la waayana, waxa aan dhammaanteen og nahay sida ay waxa soo baxaya noqon doonaan, maxaa yeelay taas si dhaw oo aanan na loogaga horreyn ayaan hore uga soo marqaati noqonnay. Intii lagu jiray bishii Juun, Xisbiga Ra’isulwasaaraha Itoobiya Aby Ahmed ayaa guul aqlabiyad ballaaran ah ka sheegtay doorashadii dalkaas ka dhacday, in kasta oo ay soo baxeen sheegashooyin xooggan oo ay mucaaradku ku muujinayeen eedeymo ku saabsan ku-shubasho, caga-jugleyn iyo jujuub ka dhan ah xubnaha mucaaradka (waa isla eedeymaha loo jeediyay maamulka Farmaajo). Marka aanay dawladdu ahayn mid lagu kalsoon yahayna, cawaaqibka ka dhalanaya waa kuwa aanan sinnaba looga baaqsan karin–  waa isla tabta ay arrimuhu ka ahaayeen Itoobiya.  Qalalaaso siyaasadeed ayaa qarxay, kumannaan qofoodna waxa ay ku dhinteen rabshado isir la xiriira. Ku ma sii jirto xaqiiqada ku saabsan in maalgeliyayaasha dibaddu ay su’aal geliyeen awoodda ay dawladdu u leedahay inay maareyso xakameynta xiisadaha gudaha.

Qiimo kasta ha ku kacdee, waa in laga fogaadaa nidaam-la’aantaan oo kale inay ka dhacdo Somalia.

Hase ahaatee, xaddiga kalsoonidarrada maanta ka jirta Somalia, iyo  xaddidnaanta waqtiga ka haray doorashada la qorsheeyay darted, waxaan u baahannahay in aan ka fekerno fursado kale. Waxa habboon in tixgelino suurtagalnimada dhismaha Dawlad kumeelgaar ah, ama in aan sida Itoobiya halis ku galno in Dalka loo horseedo xasilloonidarro siyaasadeed, ama kaba sii darane, in dagaal sokeeye oo kale la galo.

Dhab ahaantii, badbaadada iyo nabadgeliyada dadka darted, waxaa khayaarka keliya ee aanan laga gudbi karin ah dhismaha Dawlad kumeelgaar ah. Dawladdan kumeelgaarka ah waxaa lagu dhisi karaa hab fudud, balse leh wakiilasho howled oo adag (critical mandate).

Hirgelinta sharci-doorasheed QOF iyo Cod ah oo doorashooyinka soo socda oo dhan lagu hago, iyo yagleelidda nidaam garsoor madaxbannaan iyo Maxkamad Dastuuri ah, kuwaas oo dhan waa astaamaha lagu garto Dimoquraadiyadda, sameynta mabaadii’daasna waa lama-huraan.

Xildhibaannadeenna waxaa loo doortaa in ay dadka metelaan. Waana qayb ka mid ah fahamka aasaasiga ah ee ku saabsan in qof kasta oo cod dhiibta uu la mid yahay codbixiye kasta oo kale. Tani waa qaybta ugu muhiimsan ee gundhigga aragtida Dimuquraaddiyadda- awoodda shacabka, waxa ayna isla sidaas u sameynayaan iyaga oo leh awood siyaasadeed oo siman.

Doorashada hadda waxaa lagu cabbiray halbeegga qabiilka ee 4.5 oo sharcidarro ah dastuurkana baalmarsan. Doorashada dadban waxa ay sameysaa wax ka soo horjeeddaa aragtida Dimuquraadiyadda, xildhibaannadeennana waxaa loo doortaa in ay metelaan beelahooda intii ay meteli lahaayeen deegaan-doorashadooda.

Sidaas oo kale, garsoor iyo Maxkamad Dastuuri ah oo madaxbannaan in la hirgeliyo waa laga-dhaafaan, si looga hortago musuqmaasuqa halista badan ee ku dhex baahay nidaamkeenna sharcidejinta.  Isku-day kasta oo maamulka hadda jira uu ku sameynayo hay’adahaan waxa ay shaki ku gedaamaysaa dhexdhexaadnimada faraca garsoorka.

Laba sano ka hor bishaan oo kale, xafiiska Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku dhawaaqay in madaxweynuhu uu ka tanaasulay dhalashadii Mareykanka, go’aankaas oo ay dadka qaar u arkeen mid kalsooni loogu sii diyaarinayay tartan dib-u-doorasho oo uu Farmaajo ku talogalayay sannadkan. Taas waxa ay timid xilli daaha gadaashiisa ay ka jirtay xaqiiqo kale oo ah in ololaha Farmaajo la aaminsanaa inay maalgalinayeen Qatar, Iran iyo Ruushka oo quuddareynayay kordhinta saameynta ay ku leeyihiin mid ka mida goobaha ugu muhiimsan xagga juquraafi-siyaasadeedka dunida- waa Somalia e.

Tan waa in ay jiifka ka toosisaa muwaaddiniinta Soomaaliyeed iyo dunidaba. Waana in aan wax walba u bixinaa sidii looga hortegi lahaa dheeraad kale oo ah dhaqannadaan dibindaabyada ah ee u muuqda kuwa mugdi lagu maleego.

Waxaan ku celinaynaa baaqa ku wajahan dhisidda Dawlad kumeelgaar ah si aan meel san u gaarsiino dalkeenna. Sooyaalku waxa uu mar iyo mar kaleba na tusay in Somalia oo aanan Dimuquraaddi ahayn ay halis ku tahay nafteeda iyo ganacsiga dunida.

W/Q. Ismail D. Osman: Qoraa ka faallooda arrimaha Somalia, Nabadgeliyada iyo Juquraafi-siyaasadeedka Geeska Afrika, dawladnimada iyo nabadgeliyada.

Waxaad kala xiriiri kartaa: osmando@gmail.comWaxaa Tarjumay: Wariye. Maxamed Abubakar (Dhaaleey)Maqaalka oo ku qoran Afka Ingiriiska Halkan ka akhriso (RIIX)

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Axadle. Axadle, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada Axadle@live.com Mahadsanid

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More