Xildhibaano la saftay Biixi oo wajahaya ‘cawaaqib adag

Hargeysa (Axadle) – Guddoomiyaha xibsiga Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay Xildhibaano ka tirsan xisbigiisa oo heshiis la galay xisbul xaakimka Kulmiye, kaasi oo uu ku tilmaamay waxba kama jiraan, ayna wajahi doonaan cawaaqib adag.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xildhibaanadaas oo qeyb ka noqday qorshe uu wato Muuse Biixi, islamarkaana isku dayey inay meesha ka saaran isbaheysigii ay xisbiyada mucaaridka sameysteen si ay xisbul xaakimka Kulmiye uga horjoogsadaan in uu saameyn ku yeesho hogaanka sarre ee golaha wakiilada Gobaladda Waqooyi.

Waxa uu heshiiskaas ku macneeyay mid “hareer-marsan xeerka iyo dastuurka xisbiga Ucid”, islamarkaana la marsiin doono cawaaqib adag, inkasta oo uusan si cad u sheegin nooca tallaabo ay ka qaadanayaan xildhibaanada, balse sida ugu dhaqsaha badan u wajahi doonaan.

Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa imanaya maalin un kadib markii ay xildhibaano ka tirsan xisbiga Ucid iyo Kulmiye ku dhawaaqeen heshiis is-afgarad oo ay iskaga taageerayaan doorashada guddoonka Golaha Wakiillada ee soo aaddan, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi u wado Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Gobaladda Waqooyi.

Heshiiska shalay ayaa ahaa mid lama filaan ah, maadama ay hore xisbiyada mucaaridka u sameysteen isbaheysi cusub, si ay xildhibaanada xisbiyada Ucid iyo Waddani u kala qeybsadaan hogaanka golayaasha deegaanka iyo wakiilada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More