Xog: Beel Cali Guudlaawe ka hor-istaagtay shir lagu qabtay m…

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ku guul dareestay in uu ka qeybgalo shir u dhaxeeyay qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka degmada Cadale iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. 

Odayaasha dhaqanka ee Beesha Celi kana tirsan beel weynta Galmaax Yoonis ayaa diiday in uu kulankaas oo habeen hore ka dhacay degmada Cadale uu ka qeybgalo Cali Guudlaawe, waxayna sababta ku sheegeen in ay isaga dacwo ka yihiin, islamarkaana uusan u cadaalad falin bulshada gobalka Shabeellada Dhexe.

Shirkan u dhaxeeyay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo odayaasha dhaqanka, ayaa looga hadlayay dagaallo qaraar oo sanadkii 2019-kii ka dhacay degaanada Burdheere iyo Koogaar oo ka tirsan degmada Cadale, dagaalladaas oo u dhaxeeyay laba beelood oo wada Cadale. 

Dagaaladaas waxaa ku dhintay tobaneeyo dad ah iyadoo ay sidoo kale ku barakaceen boqolaal qoys, waxaana sidoo kale lagu gubay guryo iyo dhul beereed ballaaran. Wali gobalka Shabeellada Dhexe waxaa ka jira saan-saanta colaadeed ee dagaalkaas oo aan xal waara laga gaarin. 

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dadaal dheer uu sameeyay ku guul darreystay in uu ka qeybgalo shirka iyadoo ugu dambeyn uu ka samray. Arrintaas ayaa noqotay la yaab iyo hadal heyn weyn oo wali ka taagan degmada Cadale iyo safarkii madaxdii hore ee dalka ay ku tageen degmada Cadale ee gobalka Shabeellada Dhexe. 

Sidoo kale, kulankaas waxaa loo diiday dhammaan mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle ee heerarka kala duwan, waxaana dadka loo diiday qeyb ka ahaa guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe, basle waxaa ku jiray xildhibaanka beeshaas ku matala baarlamaanka HirShabelle. 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More