Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 17aad

Farxaan haddii uu ogaaday xataa in markaan Fartuun & Ayaanle in aysan is heyn hadana maalin qura waa ku dhiiran waayey inuu jaceylkiisa sheegto si kastana waa isku dayey hadana geesinimo waa la imaan waayo oo uu ku qirto markasta waxa uu ka cabsi qabay inuu Fartuun ku waayo sidaa ayaa uuna u ogaansaday inuusan qirin jaceylkiisa.

Waxaana tan inuu gaaro ku qasbey sheeko dheer oo habeen isaga iyo Fartuun dhex martay oo ay ugu sheegtay in ay weli ilaawin Ayaanle oo uu qalbigeeda weli tabayo eryadiisii macaana ee uu oran jiray wuxuuna hadalkood ku bilaawday sidaan.

 

Farxaan:

Fartuuney nolosha in aad mar kale raadiso maad isku fiirisid

 

Fartuun:

Waan isku dayey laakiin ma awoodo

 

Farxaan:

Side fartuuney

 

Fartuun:

Farxaanoow waxaa tahay qofka kaliya ee aan ku kalsoon nahay dhibkeygana aan kala hadlo waxaan kuu sheegayaa ninka sidaa I karaamo diray in aan weli jeclahay.

Farxaan yaab ayaa ka soo haray markaasuu yiri

 

Farxaan:

Waa cajiib waxaa loo baahnaa in aad xaqiiqda fahamto waayo ninkaas waxa uu kugu wadayba hore waxa ay u ahaayeen lugooyo manta markii uu fadeexada ku hor keenay waxaa loo baahnaa in aad uf dhahdo waa arrin igu cajiib ah in aad weli rabto ninkaas waliba mudo dheer kadib oo aadan awoodin in aad la xarirto.

 

Fartuun:

Mid igaga jawaab adiga qalbigaga ma ka saartay gabadhii lagaa guursaday

Farxaan jawaabta ayaa culeys ku noqotaya markaasee Fartuun soo booday oo ay dhahday

 

Fartuun:

Waa maya marka jaceylka si sahlan waa uu kugu beeraa laakiin si sahlan laguma ilaabo

 

Farxaan:

Hada jaceylka aad dareemeyso muxuu natiija ah oo uu leeyahay waa mid aan rajo laheyn noloshana rajo la’aan ma soconeyso ii sheeg maxaad ku noolaaneysaa.

 

Fartuun:

Laakiin Farxaan arrinkaan markaan kuu sheegay maxaad sidaan oo dhan ugu xanaaqday ma wax kale ayaa jira oo aan ogeyn.

Farxaan oo hadalka si u qaboojinayo ayaa yiri

Farxaan:

Maya waxba ma jiro ee dhibka uun ayaa rabaa in aad kaa mooso ee wax kale ma jiro aniga dhibkaaga waa uu I dhibaa sideedana qofka ku jecel ayaa uu runta kuu sheega.

 

Fartuun:

Waa runtaa Farxaan laakiin tan aniga ayaa rabo in aan ka gun gaaro maalin waan arki doonaa Ayaanle.

 

Farxaan:

Ka waran haddii ay maalintaa noqoto maalin uu yahay nin reer uu ku faraxsan yahay leh oo caruur leh.

 

Fartuun:

Malaha maalintaas ayaa ay nafta  qanci doontaa oo ay gadaal u laaban doontaa runtana aqabali doontaa farxaan.

 

Farxaan:

Ka hor in aad tashato ama laguu taliyo maxaad u diideysaa

 

Fartuun:

Ma filaayo ilaa maalinteeda la gaaro in ay ogolaan doonto run kasta oo loo sheego

 

Farxaan:

Aniga mar kasta farxada ayaan kugu duceeyey

 

Fartuun:

Aamiin Farxaan sidoo kale ayaan adigana farxada kugu duceeyey saxiib

Farxaan maalintaa ayaa uu quustay oo uu candhuuftiisa gadaal u liqay wuxuuna go’aankiisa noqday inuusan marnaba dareenkiisa qiran.

Sadiiq mudo sanad ah ayaa uu si adag u shaqeystay isaga oo saacado badan shaqeynayey ugu dambeyn fasaxii bisha ayaa uu ku go’aansaday inuu ku baadi goobo Amina iyo curadkiisa wuxuuna sahankiisa cuslaa ee sida degan uu ugu soo shaqeeyey ku tagay magaalada Virginia oo ay ku noolaayeen sodohdiisa Sareeda & gabadheed Canab marnaba isma tusin wxuuna tagay Hotel isaga oo dhaqdhaqaaqooda bilaabay in ay uu la socdo wuxuuna soo helay in mid ka mid ah xawaaladaha soomaalida ay lacagta kala xawilo ay  Canab ku dirto bil kasta markii uu isku dayey in uu xawaalada ka soo ogaado cida lacagta loo diro laakiin waa ku guuleysan waayey ilaa London waa soo wacay saaxiibkii si xagga London  loog ogaado cida lacagtaas loo diro iyo meesha ay joogto waxaana loo sheegay in ay tani tahay sirta xawaalada oo aan marnaba la bixin Karin.

Sadiiq isaga oo quus taagan ayaa uu la kulmay maalin isaga oo faras magaalka socdo Burhaan Bare oo ah wiil hooyo Sareedo walaakeed dhalay kana mid ahaa dadkii ka soo qeyb galay arooskiisa wuxuuna kaga waramay xaalkiisa iyo in qalad xagiisa uu ku waayey xaaskiisa waliba iyo curadkiisa Burhaan waxa uu u balanqaaday in wax walba isaga oo aan la ogaan u soo ogaan doono isla markaana aanan is tusin Hooyo Sareedo iyo canaba sidii ayaa uuna Sadiiq yeelay isaga oo sidii saaka ka rajo fiican ayaa uu ku noqday qolkii uu hotelka ka deganaa.

Burhaan waa uu la murugooday Sadiiq wuxuuna si toos ah u aaday goobtii ay ka shaqeyneysay Canab wuxuuna ka dhaadhiciyey in qof London joogo uu u sheegay in Amina ay ka tagtay Sadiiq waxayna Canab u tafatirtay sida uu xaalka yahay iyo meesha ay iminka ku sugan tahay oo ah Soomaaliya Burhaan si uu helo xod buuxda ayaa uu ka dhaadhiciyey in dhawaan wiil ay saxiibo yihiin oo xamar joogo uu dib ugu soo laabanayo Virginia ka waran hadaan u sheego xaafada ay Amina degan tahay oo uu sawiro nooga soo qaado iyada iyo wiilkeeda Canab aad ayaa ay u soo dhaweysay waxayna u sheegtay in ay degan tahay agagaarka Shineemo Xadarmuud ee degmada Shibis Burhaan waa intuu rabayeee wadadiisa ayaa uu ku soo dhacay oo uu soo abaaray Hotelkii uu Sadiiq deganaa waxba lama daahinee farta ayaa uu ka saaray Sadiiq aad ayaa ugu mahad celiyey wuxuuna go’aansaday inuu si deg deg ah ku tagi doono inash allah.

Sadiiq fadhi uma oolin wadadii ugu sahlaneyd ee uu xamar ku tagi karo ayaa uu ka fikiray waxaana uu door biday inuu Dubai maro wuxuuna magalada Virginia uu ka raacay Emirates Airline oo ay aheyd fligh non stop ah oo si toos ku tageyso Dubai in ka badan 12 saacadood ayaa uu soo socday wuxuuna ku degay Hotel subaxii xigay ayaa uu nasiib wanaag waxa uu helay asxaab oo uu garanayey oo ganacsadayaal ka ah magaalada Muqdishu isla markaana Dubai u yimid arrimo ganacsi tani si wanaagsan ayaa ay u saaciday wuxuuna u sheegay halka safarkiisa uu ku sii wajahan yahay markii uu xaafada uu rabay uu sheegay ayaa markiiba waxay qolka by telefoon ugu kireeyeen Hotel Global oo ka soo horjeeda Shineemada Xadarmuud agagaarkeeda lagu sheegay in ay degan tahay Amina Sahra iyo wiilkeeda.

Sadiiq farxada aan la soo koobi Karin aya laga dheehan karay wallow cabsi mararka qaarna uu dareemayey isaga isweydiinaya waxa uu kala kulmi karo Amina marka uu hortago hadana in hadal ay isku fahmi karaan ayaa uu qabay.

Sadiiq fligh_kii ugu horeeyey ayaa uu magaalada Muqdishu u soo raacay isaga uu ku weheliyo wiil reer Mogadishu oo asxaabtiisa soo raaciyeen wuxuuna hore u soo maray magaalada hargeisa & Jabuuti kadibna ku dhameeyey safarkiisa magaalada Muqdishu.

Sadiiq magaalada wax badan kama aqoon markiisii horena reer Merka ayaa ay ahaayeen dagaaladii sokeeyana wadanka kuwii ka cararay ayaa uu ka mid ahaa xilligii uu yaraa ayaa mar magaalada la keenay wax kale kama aqoon markiiba waxaa la keenay Hotel Global oo xilligaa cusbaa wuxuuna ka helay soo dhaweyn fiican maalintii oo dhan hurdo ayaa uu ku dhameystay isaga oo aad ugu soo daalay safarkiisii.

Xilli salaadii maqrib la tukanayo ayaa uu soo toosay oo inta uu salad tukatay hoos u soo dhaadhaacay in cabaar ah ayaa uu fadhiyey banaanka markii dambana waa uu iska galay inta uu casheeyey ayaa uu seexday ileyn wareer Waco waa loo waabariistaa waa tii la yiri Sadiiq beri ayaa u qorsheysan inuu duulaan xoogan qaato.

Sadiiq subaxii markii uu soo kacay ayaa banaanka u baxay in cabaar ah markii uu taagnaa ayaa uu wiil dhalinyara uu weydiiyey halka ay Shineemada ku taal dhismaha wejigiisa haaya inuu yahay ayaa loo sheegay wadadii ayaa uu qabtay oo ilaa cabaar ah ku socday soo noqodkiis ayaa uu hadana wadada dhinaceeda kale ku soo dhacay waxa uu is lahaa intaa aad aragto isaga oo aan wax war ah soo helin ayaa uu hotelka ku soo noqday.

Sadiiq markii uu soo quraacday ayaa uu wiilka quraacda u keenay weydiiyey inuu xafada uu degan yahay wuxuuna u sheegay inuusan deganeyn isla.

Waa Sheekadii : kurbo aduun iyo kadeed caashaq  kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More