Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 19aad

Amina oo inta sheekada socotay oo dhan qalbigeeda cajalad kale u shidnaa ayaa la soo booday.

 

Amina Sahra:

Walaahi weligey qof fikir kuma faquuqin

Intii aysan hadalka dhameyn Amina waxaa albaabka guigeeda ka soo baxday gabadhii u shaqeyneysay oo gacanta ka wada Akram Amina mar kaliya ayaa ay booday oo ay tiri ha soo bixin geli guriga Amina iyadana meesha ayaa ay ka kacday ujeedka Amina waxa uu ahaa in Sadiiq uusan marnaba arkin wiilkeeda Sadiiq oo fahmaya xaalka ayaa markii ay baxday yiri.

 

Sadiiq:  

Gabadhaan ma halkaan ayaa ay degan tahay

 

Xaaji Baana:

Gabadhaan xaafadaan mudo ayaa ay degan tahay markeedii horena Qaahira ayaa ay ka timid iyada wiilkeeda ayaa degan.

 

Sadiiq:

Ninkeedana meeyey

 

Xaaji Baana:

Ninkeeda waa uu dhintay Alle Ya Raxma Raaximiin wiilkeeda ayaa ay nolosha u hurtay oo ay korsataa.

Sadiiq oo tiiraanyo dareemaya ayaa yiri

 

Sadiiq:

Waa gabar fiican illaah nolosha ha ku saacido

In cambaar ah ayaa uuu sheekada wax ka waday Sadiiq ilaa salaadii Maqribka laga aadimo waa uu fadhiyey intaana Amina ma soo bixin sidii ayaana  Salaada loogu dareeray.

Amina cabsi xoogan ayaa ay dareentay markastana dariishada ayaa ay ka fiirineysay wiilkeedan banaanka oo dhan ka mamnuucday waxayna is tusisay in Sadiiq uu u yimid in wiilkeeda uu ka xado ilaalis xoog leh ayaa ay gashay.

Sadiiq markii uu salaada soo tukatay ayaa uu abaaray Hotelkiisa wuxuuna doonayey in maalin kale uu goobta iska xaadiro maalintii xigtay waa uu tagay balse nasiib xumo Amina marnaba ma soo fadhiisan markii uu weydiiyeyna waxaa loo sheegay in ay nabad qabto laga yaabo in ay jiifto sidii ayaa uu meesha kaga soo huleelay maalintaa isaga oo aan arkin Amina.

Salaadii Maqribka ayaa ay Sadiiq misaajidaka iska soo raaceen Xaaji Baana oo maqaayada hotelka wada fadhiisteen oo ay ka shaaheeyeen Sadiiq waxa uu istusay in xaalkiisa uu xaajiga kala hadlo isla markaana uu isaga garwadeen ka noqdo.

Markiina hadalkiisa ayaa u furay Xaajiga yaab iyo fajac ayaa ka soo haray xaalkeeda sida uu u culus yahay ayaa uu la yaabay waxaana uu ka cabsi qabay in Amina ay war ka maqli weydo wuxuuna dib u xasuusatay sida ay go’aanka u qaadatay oo isaga oo nool isla markaana ay ogtahay geeri ugu sheegtay Xaajiga inuu xaalka isku dayayo ayaa uu u sheegay Sadiiq waxana loo sheegay in beri uu war ka heli doono.

Xaajiga habeenkii arrinkaas cidna kalama hadlin subaxii sida caadada ah duhurtii ayaa uu guriga ka soo baxaa wuxuuna hore u soo maray Amina oo wiilkeeda Video game la cayaareyso wuxuuna u sheegay in galabta uu iyada doonayo garna ka soo gashay Amina oo markiiba garatay in xaalka Sadiiq uu ku wajahan yahay ayaa la soo booday.

 

Amina Sahra:

Haddii arrinta Sadiiq aad igala hadleyso ma doonayo in aan waqtigeyga ku lumiyo inuu wilkeyga iga xado ayaa uu yimid mana dhaceyso inuu ishiisa saara xataa.

 

Xaaji Baana:

Maya gabadheyda wiilkaada inuu xado uma imaan ee inuu kula hadlo ayaa uu rabaa

 

Amina Sahra:

Hada u sheeg in aan waqti u aheyn mana doonayo in nacas isaga oo kale aan hor fadhiisto

 

Xaaji Baana:

Gabadheydiyee kaabaa’ir yeysan ku raacin waa ninkaaga

 

Amina Sahra:

Waa uu ahaan jiray

 

Xaaji Baana:

Gabadheyda si degan ii dhageyso wax aad xaq u leedahay cid kaa qaadaneyso ma jirto waa hadal oo kaliya xaqaaqa sheego anigana igu sharaf balan ayaan soo qaaday

 

Amina Sahra:

Ok adeer laakiin waa dartaa waxaan u sameynayo midna ogaaw guriga ma ogli in aan kula hadlo.

 

Xaaji Baana:

Gogosha waa gurigeyda iyo galabta

 

Amina Sahra:

Waan ogolahay haddiiba si cadaalada ah garteena loo qaadayo

 

Xaaji Baana:

Taa ha ka cabsan waa inoo galabta qeyr ayaan kuu dhaafay gabadheyda

Xaajiga neef ayaa ka fuqday wuxuuna abaaray salaadii duhurka waxayna meesha isku arkeen Sadiiq oo war suge ahaa waxaana loo sheegay in galabta ay gogol taal guriga Xaajiga aad ayaa uu Sadiq ugu farxay hadalkaa diyaarna ayaa uuna u ahaa inuu ka soo qeyb galo wuxuuna qabay in war uu ku qancin karo Amina sahra balse iyada qof go’aankeeda meel u yaalay ayaa ay aheyd.

Galabtii markii balantii la isugu yimid waxaa goobta ku soo hormaray Sadiiq waxaana Xaajiga uu hore u soo kaxeystay Ducaale & Muxudiin oo ahaa dhalintii xaafada ugu aqiyaarsanayd Amina oo kaliya ayaa la sugaayey Amina markii ay timid ayaa doodii waxaa furay Xaaji Baana oo yiri.

 

Xaaji Baana:

Soo dhawaaw gabadheydii manta waxaan meeshaan kugu wacnay in aan arrin kaala hadalno waana ku mahadsan tahay in aad noo timaado koley Ducaale & muhudiin anigaa ayaa wacay side u aragtaa haddii ay gartaan nala galaan.

 

Amina Sahra:

Waa walaalahey waxna kama qabo Adeer.

 

Xaaji Baana:

Maasha allah ninkaan ma taqaan bal si fiican u fiiri inuu ninkaaga yahay ayaa uu noo sheegay.

 

Amina Sahra:

Mar waa uu ahaan jiray laakiin nin daciif ah inaan la sii noolaado go’aan ayaan ka qaatay

 

Xaaji Baana:

Sadiiq manta qaladkiisa oo dhan waa uu qirtay inuu kaa raali geliyo ayaana uu rabaa ka waran

 

Amina Sahra:

Marnaba lagama yaabo Adeer

Sadiiq ayaa markiiba hadalka soo galay oo yiri

 

Sadiiq:

Amina macaaney waan wada hadli karnaa

 

Amina Sahra:

Waxaan ku hadalno meesha ma yaal aniga waxaan ahaay naagtaad ka shakiday wiilkeedana waa kaad u aragtay inuu wacal yahay oo aadan dhalin marka waxba waqtigaaga ha lumin.

 

Sadiiq:

Qaladkaan galay ayaan rabaa in aad dib u saxo,    Amina madaxa ayaa ay lushay Xaaji Baana ayaa yiri.

Waa Sheekadii : kurbo aduun iyo kadeed caashaq  kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More