Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq

Nolosha maaha mid mar kasta ku timaada sida aad rabto waana mid dhibaatadeeda wadada hami kasta oo aad leedahay lagama yaabo in aad si sahlan aad ku gaarto balse dadaalaa wuu gaaraa.

Jaceylka oo noqday kan dad badan ay ka cawdaan ayaa dhinaca kalana ah mid ay nolosha ku dhisan tahay Farxaan waa wiil dhalinyaro ah oo hooyadiis la nool aabahiina uu ku dhintay dagaalada sokeeye kadib markii madfac uu kula dhacay gurigooda oo ku yaal isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdishu.

Farxaan waxa uu in muda ah uu hami badan ugu jiray in uu ahaado nin isku filan oo baahida reerkiisa dabooli kara waxaana uu lahaa Dukaan xaafadeed oo gurigooda kaga furan wuxuuna juhdi badan u galay inuu nolosha ku guuleyso wuxuuna ganacsigiisa gaar siiyey  heer dukaankiisa noqdo mid aan laga waayin wax walba iyadoo dadka xaafada la degan ay oran jireen waa Super Market daboolay baahideena  Farxaan dadaalkiisa waxaa ka dambeysay hooyadiis Boolo oo dhabtii kaabi jirtay wiilkeeda oo iyada kaliya ehel ugu joogay.

Waa dhalin iyo hamigoodee Farxaan waxa uu in muda ah uu isha ku haayey Fartuun oo ay xaafada wada degnaayeen isla markaana sheekada isugu imaan jireen Farxaan abid kalama hadlin Fartuun xaalkiisa iyo sida uu iyada u dareemayo balse waxa uu uu hubay in maalinteeda ay imaan doonto isaga oo waliba kalsooni fiican nafta gelin jiray oo uu qabay in maalintaa aysan Fartuun ceyrin doonin walee labo kala bariday kala war la’a.

Fartun maalmahaan laf ahaanteeda waxa uu calankeeda saaran yahay Ayaanle oo ah wiil ay iskoolka Private wada dhigtaan isla markaana aad ugu hela la haasaawida Dumarka Fartuun jaceyl aan xad laheyn ayaa ay u qaaday Ayaanle haddana waa ay ku dhici weyday in hamuunta ay qabto ay u sheegato waxayna markaan go’aansaday in ay talo ka soo doonato Farxaan oo ay aaminsaneyn in uu yahay qofka kaliya ee sirteeda xafida kara isla markaana ay ku kalsooneyd.

Waxayna galabtii markii ay iskoolkii ay ka timid ay abaartay dukaankii Farxaan oo xilliyadaa uu aad mashquul u yahay markii ay soo gashay oo ay aragtay sida uu mashquulka u yahay ayaa kursi meesha yaal iska fadhiisatay Farxaan oo arkaye ayaa weydiiyey waxa ay u baahan tahay una sheegtay in ay isaga arrin ka leedahay Farxaan waa u riyaaqay waxa uuna u sheegay in salaada Maqribta kadib in ay u timaado sidaa ayaa ayna yeeshay oo ay gurigooda ku noqotay Fartuun reerka waa gabadha ugu yar aabaheed waxa uu leeyahay Shirkada Dhoofisa xoolaha nool oo Gacanka Khaliijka & Sacuudiga geysa.

Waxaana iyada lagu ogyahay in xagga waxbarashada xooga saarta guriga cid howl kaga dirsata malaha waxayna markaan waxbarashada u aragtaa in ay ku caajistay hami guurna waa uu galay waana tan keentay in ay Ayaanle u aragto inuu yahay kii ay nafteeda ku aamini kartay Miskiin Farxaan isaga waxaas uma sawirna mana qabo in Fartuun ay bad kale ku jirto wax badan waa uu is weydiiyey arrinta ay ugu socoto wuxuuna sawirtay in iyada ay biyadhaceeda cadeysan doono walee waraf & shimbir war isuma hayaan.

Haddii weli Fartuun jaceylkeeda helin waxaad moodaa in Amina Sahra ay ka nasiib wanaagsanaaday oo ay ugu dambeyn aqbashay jaceylkii uu u soo bandhigay Saxiibkeedii mudada dheeraa ee Sadiiq Xaaji.

Amina sahra waa gabar ay soomaalinimada ay ka muuqato sidoo kale aad looga yaqaan xaafada Edmonton ee Waqooyiga London ee cariga UK waana gabar wax ka barata Southgate College waxay Xaafada Edmonton ay timid iyada oo aad u yar kadib markii ay reerkeeda ka soo carareen dagaladii sokeeye ee Soomaaliya hala keeyey waxayna xiligii Dugsiga sare ee Edmonton County School ay dhiganeysay ay saxiibtinimo caadi ah kala dhaxeeyey Sadiiq oo ay isku fasal ahaayeen ugu dambeyn manta xiriirkooda uu sidii ka sii xoogeystay waana ku kuwaan manta jaceylkooda isu sheegtay isagana aqbalay.

Sadiiq isaga waxbarashadiisa waxa uu kaga haray dugisigii sare wuxuuna taa u yeelay inuu shaqeysto wuxuuna hamigiisa ahaa sidii uu reer uu maamulo oo uu ku filnaado uu ku yeelan lahaa waxayna isaga & Amina Sahra ku heshiiyeen in ay is guursadaan Marka ay college dhameyso Amina Sahra reerkeeda oo beri hore Mareykanka u guureen waa ay ka sii warhayeen xiriirka Sadiiq & gabadhooda waana ay soo dhaweeyeen dooqeeda.

Sadiiq waa uu dhararayey guurka Amina Sahra waayo si xad dhaaf ayaa uu jeclaa Amina goor hore ayaa ay gashay qaban qaabada guurkeeda maadaama ay hore u sii go’aamiyeen in xilliga kuleylaha uu aqalgalkooda dhaco sidoo kale u sii caleemo saartay meesha ay bisha malabka ku qaadanayaan.

Dhinaca kale Farxaan salaadii maqrib markii uu soo tukatay waxa uu isu diyaariyey inuu Fartun la kulmo kana war dhowro waxa ay sito Fartun oo dheg la qabto laheyn ayaa markiiba dukaanka soo gashay inta uu Hooyadii ku yiri waan soo yara noqonayaa ayaa uu Fartun meel aan dukaanka ka fogeyn la fadhistay markiina uu warkii bilaabay.


Sheekadan waxaan sii deynay mudo laga joogo 10saano 2010kii 

Farxaan:

Haye Fartun maxay tahay arrinta caawa ku gashay ee aad dooneyso in aad igala hadasho

Fartuun oo in ay hadasho aad ugu baahneyd ayaa markiiba lasoo booday

 

Fartuun:

Farxaanoow waxaa tahay wiilka kaliya ee xaafadaan ku nool ee aan ku kalsoon nahay arrinta caawa I soo gashay waa mid qalbigeyga uu I leeyahay Farxaan oo kaliya ayaa kula xalin kara

 

Farxaan:

Dhibkaaga waa dhibkeygee ii sheeg halkee dhibka kaa heysataa aan kula xaliyee

 

Fartuun

Farxaanoow aboowe waxaa jira wiil aan iskoolka wada dhiganoo oo Ayaanle la yiraahdo

 

Farxaan warka sugi la ayaa yiri

 

Farxaan:

Haye maxaa ku dhacay Ayaanle miyuu dhintay

 

Fartuun:

Cuudi Billaahiyee maya ee nafteyda ayaa u dhimaneyso

 

Farxaan oo amakaaga ka soo haray doonaya inuu hadalkeeda wax badan ka sii ogaado ayaa yiri

 

Farxaan:

Bal ii sheega Ayaanle waxa uu noo yahay iyo sababta ay naftaada ula dhimaneyso

Fartuun inta ay qalbigeeda gacanteed saartay ayaa ay tiri

 

Fartuun:

Waa xubbi uulaheygii waa nafteyda waa jaceylkeygii koowaad ee I soo mara la’aantiisa nolosha dhadhan iima laha

 

Farxaan oo markaan quus istaagay ayaa yiri

Farxaan:

Waan ku fahmaya ma ii sheegi kartaa waxa aan kuu qaban karo iyo meesha arrintaan igaga furan

 

Fartuun:

Waxaan rabaa in aad talo I siiso

 

Farxaan:

Talo sidee ah.

Waa Sheekadii : kurbo aduun iyo kadeed caashaq  kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah AxadleTM.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer AxadleTM Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More