Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl (Qeybtii 113aad)

Waa xilli galab gaab ah waxaa guriga Cali Muran timid walaashiis Farxiyo oo ka soo wardoontay tacsida wixii qarashaaad ee la galay iyo haddii ay deyn soo baxday waxaana dhex martay sheekadaan

- Advertisement -

Farxiya:

Ii waran walaalkay bal wax deyn ah oo soo baxay si aan kaala qeyb qaadano

Cali Muran:

Wlaahi walaashay alxamdullaahi wax walba waa wanaagsan yihiin qaraabana waa soo gurmaday raashiin iyo xoolo nool waa la keenay wax deyn ah oo soo haray ma jirto qarashyadii yaraa ee la galayna lacagtii banaanka ka timid Ayaan ku daboolay deeqna waa taalaa kolay sidaan yeelo laheyn

Farxiya:

Illaah ayaa mahadsan qaraabo la’aan nama dhigin

Cali Muran:

Aniga mida aan ilaa hadda la yaaban nahay ayaa ah ninkii aan gabadhiisa ugu yaraan markii aan furmay xataa aan u sheegi weynay ayaa manta tacsida hooyadey si weyn nagala qeyb qaatay waa waxaan qiyaasi Karin markii naf geel iyo raashiin uu soo gole joojiyey ma maleyn kartid sida aan ugu xihsooday

Farxiya:

Caliyow walaal ma fahmsan cida geela noo keentay

Cali Muran:

Haa ma cid bakaaro joogto oo aan Warsame Cali aqoon ayaa jirta waa ninka iskaleh shirkada weyn ee KABAWEYNE GENERAL TRADING

Farxiyo:

Hadda reer warsame Cali ma ogtahay in reerka ay dhinac kale xidid kala yihiin

Cali Muran:

Maya oo halkee ayay nagala xidid yihiin

Farxiyo:

Alla walaalkeeyaa sow ma ogid in Warsame Cali wiilkiisa curadka uu yahay ninka qabo gabadhaada Samiira

Cali Muran:

Ma warsame Cali ayaa gabar naga qabo oo wiilkiisa ayaa Samiira qabo miyaad I leedahay waa yaabee walaahi. Ma reerka Samiira lacagta badan ka bixiyey miyaa iyaga ah oo hadda markii ay guursanaayeen ma isukaaya yaqiineen

Farxiyo:

Si fiican walaal waa ay og yihiin runtii ma kula yaabayo maxaa yeelay adiga markii Samiira la guursanaayey ma aadan Joogin waa tii aad Hindiya caafimaad u aaday ma xasuusataa

Cali Muran:

Si fiican bal fiiri gabadhiisa Ayaan meher xadnay sidoo kale Ayaan dhaqan weynay oo aan wadada ku sii deynay haddana naguma colaadin oo gabadheyda ayaa uu soo doonay oo waliba karaamo iyo sharaf ku guursaday sow dadnimo nalama dheera walaasheydiyee

Farxiyo:

Sidaas maaha calafkii ayaa soo dhamaaday ee Yaasiin maba arkee halkuu jiraa

Cali Muran:

Waa nin nolosha ka dhacay shalay ayaa uu yimid oo uu soo maqlay

Farxiyo:

Side walaalkay miyuusan guriga joogin oo idinla nooleyn

Cali Muran:

Kaasii hooyo wiil la’aan heyso ayaa uu wiil u yahay maahee aniga marnaba xisaab iguma jiro waa nin beerta galay oo mana aqaan meesha uu ku nool yahay

Farxiyo:

Aboowe sidaas oo dhan yaanan gacanta looga deyn beri dhibkiisa waa dhibkiina hadddii la daba qaban wiilka hala qabto xataa ugu yaraan dhaqn celin Ayaan u sameyn karnaa

Cali Muran:

Walaashaydiyee kaa waxba ha igu mashquulin ee waxaan kuu sheegayaa in Profosorka lacagtii uu keenay lama isticmaalin oo hada maba loo baahan maxaan ka yeelnaa

Farxiyo:

Taas annaga waa sidii ay nooga soo baxday ka hadal malaha

Cali Muran:

Ka waran haddii aan u sadaqeyno oo aan misaajid ugu darno

Farxiyo:

Waa arrin fiican sidaa yeel

Samiira Illaahay waa kala keenay waxaaana rabi ku galaday wiil Qadar xiligii salaadii subax ayaa telefoonka laga soo wacay oo loo sheegay in Samiira ay umushay oo ay caafimaad qabto markiiba isbitaalkii loo sheegay in ay joogto ayay aadeen isaga iyo hooyadiis iyaga oo waliba cunto fudud iyo cabitaan hore ugu sii qaaday waxa ayna aheyd maalin wacan oo labada qoys ay aad ugu faraxsanaayeen wiilka reerka ku soo kordhay haba ugu sii weynaatee Qadar oo ahaa ninka ugu farxada badnaa

Maalin farxadeed oo si wadajir loo qaaday ayay aheyd labada qoys waxaana markii dambe ee cunuga la diiwaan gelinaayey ayaa Samiira iyo Qadar la weydiiyey magaca wiilkooda Qadar markii horeba magac uu sii qorsheeyey ma uusan jirinee waxaana uuna ku yiri

Qadar:

Haye Samiira magac ma sii xulatay

Samiira:

Magaca bixinta wiilkayga waxaa looga fadhiyaa walaalkay C/Qani ee hala waca

Nasiib wanaag C/Qani markiiba waa uu soo galay oo ku yiri

C/Qani:

Maasha allah Walashay caafimaadkaaga ka waran

Samiira:

Aad Ayaan u fiicanahy aboowe illaahay wiil ayaa nagu galaday ee maxaan u bixinaa

C/Qani:

Haddii aniga aad igu xurmeysay anna waxaan dhihi lahaa C/Qaaliq C/Qadar Warsame

Samiira:

Ka hadal malaha haye Qadar

Qadar:

Waan ku raacay

C/Qani inta nunihii yaaraa soo qaday ayaa uu aabahiis oo meesha joogay ku yiri

C/Qani:

Aabe waa wilkii na sedaxeeyey aniga iyo C/Qadar sow farxad noo soo kordhay maaha

Aabe Warsame:

Maasha Allah wiilkayga annaga oo dhan ayaa qiiro na gelisay illaahay midkii garabkiina soo istaago ha ka dhigo

C/Qani:

Aabe Samiira sow Abaal Marin naguma lahaa maxaan farxadaan ay na siisay ugu badalnaa

Aabe Warsame:

Aabe adiga lee wax ii sheeg maxaan bixiyaa manta

C/Qani:

Haye Samiira abaal marin Ayaan rabnaa in aan ku gudoonsiino farxada aad na siisay badalkeeda

Samiira:

C/qani aboowe aniga farxadiina ayaa wax walba igaga filan sidaas ayaana ku qabaa

Samiira Hooyadeed Farxiya waxa ay aad ugu riyaaqday nasiibka gabadheeda iyo reerka ay u dhashay sida ay ugu faraxsan yihiin una qiimeeyaan maalin wadajir ayay aheyd oo labada reer ay kulmisay farxada wiilka cusub ee reerka ku soo siyaaday si wadajir ayaa farxada loo wda qaaday mar galabtii ay aheyd ayaa Samiira isbitaalka laga saaray oo xaafada hooyadeed la geeyey

The post Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl (Qeybtii 113aad) appeared first on Jowhar Somali Leader.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More