Sheekadii Xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl (Qeybtii 114aad)

Falis reerkeeda inta ay farxadaas ku jiraan iyada waa ay moog tahay dhibta jaceyl uu leeyahay ayayna mareysay waxa ay aheyd qof maqane joogo ah waxa ay nafteeda ku bilaabtay in ay is eedeyso isla markaana ay isu aragto in jaeylkeeda natiijo la’aanta heyso in ay sabab u tahay oo iyada manta ay guraneyso nabsigii ay gashay

- Advertisement -

Falis waxa ay mar kasta isu sheegeysay in Mursal uu ka booday jaceylkeeda kana reystay isla markaans waxa ay is tusineysay in midii boogahiisa dhayi laheyd uu la nool yahay malmaheedii qaraaraa ayay ku jirtay waxaase mar dambe loo sheegay in Samiira ay umushay oo wiil ay eedo u tahay uu adduunka ku nool yahay Falis wallow aysan jirin xiriir ka dhaxeeya iyada iyo walaalkeed Qadar haddana kama joogi Karin Samiira oo ka hor guurka Qadar taqiinay aheyd dumaashideed waxa ayna go’aansaday in ay u tagto

Xilli subax ah markii ay quraacaday ayay Falis aaday Samiira iyada oo waliba hadiyado qaali ah u sii iibisay iyada iyo wiilkeeda dunida ku soo kordhay ee ay eedada u tahay kadib markii la soo dhaweeyey oo cabitaan iyo cunto fudud loo keenay ayaa sheekadaan dhex martay Samiira iyo Falis waxaana hadalka furtay Samiira oo ku tiri

Samiira:

Falisey ii waran wiilkaada iga waran malaha markaan waa uu socod bartay

Falis:

Ninka weynaaday oo inuu aabe yiraahdo keenay

Samiira:

Maasha allah Mursal ka waran isaga ma ganacsigii ayaa uu ku jiraa mise shaqadii hey’ada ayaa uu ku soo laabtay

Falis:

Haa ganacsiga ayaa uu weli hayaa

Samiira:

Ma idiin soo xiriiryaa

Falis:

Walaahi mudo aad u dheer warkiisa ma anan maqlin balse inuu caafimaad qabo Ayaan maqlay oo uu Dubay ka tagay halkaa iyo Shiinaha ayaa uu ganacsi ka bilaabay

Samiira:

Xiriirkiina ka waran

Falis:

Kuma fahmin xiriir noocee ah

Samiira:

Aabe warsame waa uu kuula jeclaa Mursal waliba waa uu kala hadlay arrintaan oo waxa ay reerka doonayeen in xigsiina ahaan laguu siiyo waxaase maqlay in aad adiga diiday

Falis:

Aniga arrintaas reerka kama waramo maxaa yeelay reer Warsame Cali aniga noloshoda waa hore ayaa ay iga saareen laakiin Mursal dareen ayaa uu ii sheegtay waana ka diiday maxaa yeelay waxaan xilligaas u arkaayey inuu ahaa ninkii ay ka dhimatay walaasheydii aan jeclaa mana dhici Karin in aan aqbalo xilligaas

Samiira:

Hadalkaaga xilligaas ayaa ku darday xilligaas iyo hadda aragtidaada miyaa kala badalan

Falis fadhiga ayaa ay ka kacday oo xagga albaabka aaday in cabaar ah kadib ayaa ay fadhiga ku soo laabatay oo ay ku tiri

Falis:

Samiira iga raali noqo hadalo waxaa jira arrimo aan dooneynin in aan cid kala hadlo iga raali noqo

Samiira:

Waan ku fahmi karaa shaqsi kasta oo adduunyada ku nool siro u gaar ah waa uu leeyahay oo ay adag tahay inuu cid kasta kala hadlo balse mid ayaan ku dhahayaa Mursal inuu nin fiican yahay reerkaga oo idil waa qireen waana wiil mudan in nolol lala wadaago haddiiba ay jirto fursad aad dib ugu midowdaan waan ku faraxsanaa lahaa in noloshii hore aad xasuustaada ka tirtirto mida cusubna aad bilaabato

Falis:

Aniga marnaba ima saameyneyso noloshii hore ee Yaasiin waayo aniga ayaaba u qaaday in noloshaas ay aheyd talaabo qaldan aan nafteyda ku hagay in aan ka qoomameeyna xataa nafteyda fursad uma siiyo oo waa hore ayaa is ilaawsiiyey maxaa yeelay Yaasiin nolosha xagiisa cayaar ka aheyd

Samiira:

Hadda Mursal ka waran nafteeda maxay u taqaan

Falis:

Samiira waad I qodqodeysaa

Samiira:

Sabab kale ma jirtee ee adiga ayaa dareen kaa arkayaa ee waa ku baryaa naftaada ha dhibin ogolow in shalay aad qaldaneyd balse manta aad saxan tahay ee ha ka daahin noloshaada cusub

Falis:

Inshah allah illaahay qeyrka hana waafajiyo

Sidii ayaa sheekooyin kale lagu galay maalintaana ay la qaadatay Samiira iyo reerkeeda mar xilligii casir liiqa ayay ka soo rawaxday xaafadii Samiira

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More