Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 116aad

Aamow arrinta aad ayay ugu fikirtay sida caadada u aheydna marka ay arrimaha Falis meel xun marayaan waxa ay u maciin bidi jirtay Sureer oo aheyd saaxiibka kaliya ee ay Falis laheyd markiiba kama daahin waa ay wacday waxayna u sheegtay in ay guriga hooyadeed joogto oo ay soo mari doonto

- Advertisement -

Aamow waa ay nafistay waana ay hubtay in Sureer ay xal keeni doonto ugu yaraan ay Falis ka dhaadhici karto in ay badasho mowqifkkeeda adag

Sureer maalintaa waxa ay waqti la qaadaneysay Hooyadeed oo ay shaqada kala mashquulisay markii ay ka soo dhamaaday ayaa ay soo martay xaafadii Falis waxayna albaabka kula kulantay Aamow oo u sheegtay in Mursal uu yimid Falisna ay si lama filaan ah u go’aansaday in ay ka baxdo arrimahiisa, Sureer si fiican ayay u taqaanay Falis iyo madax adeegeeda markiiba qolkeeda ayay ugu gashay oo ay waliba ku tiri

Sureer:

Falisey nasiibkii na soo doontay maxaad ugu carartay

Falis:

Sureer waad soo dheeraaday manta ma shaqa ayaad ka timid

Sureer:

Xaafada Hooyo Ayaan ka imid sidaas Ayaan kugu soo maray

Falis:

Ka waran Hooyo Barni ma fiican tahay

Sureer:

Waa ay fiican tahay balse adiga Ayaan kaa dareemayaa in ay fiicnaan kuu jirin maxaad sidaa u sameysay ma fursadaan bilo goobeynay ayaad ka faa’ideysan kari weyday Falisey qof adag Ayaan kugu aqiinay maxaa ku helay

Falis:

Waan dareemayaa Aamow ayaa kuu warantay

Sureer:

Arrimahaaga haddii aniga la igala hadlin yaa lagala hadlaa mid ogow Aamow dhibkaaga waa uu dhibayaa

Falis:

Waan la socdaa balse idinkana ma inaan is liido Ayaan igula talineysaan

Sureer:

Sidee kuma fahmin

Falis:

Arrin idinka aadan ogeyn ayaa jirta

Sureer:

Maxay tahay

Falis:

Waxaa jirta in wiilka xawaalada joogo uu hore ii shukaansaday aroos iga dalbatay

Sureer:

Waan dareemi karaa adiga waa ka diiday maxaa kale

Falis:

Mursal arrinkaas waa uu ka warhaayaa waliba waxa uu igu yiri waad ku qaldaneyd in aaad Cadnaan diido maxaa yeelay waa nin fiican marka nin ii shukaaminayo nin kale miyaan qalbigiisa ku jiraa sow ma aragtid inuu iga maarmay oo uu helay mid Boga dhayo ah oodhibtuu jaceylka la soo maray ka meyrtay waa idiin baryayaa arrinkaan aniga iyo nafteyda go’aan Ayaan kau qaadanay in aan meesha kaga haro waxba yaan la ii dirqin

Sureer:

Hadda maxaad go’aansaday bal nala wadaag

Falis:

Waan hubaa in aan ilaawi doono nolosheydii horeba dhibteedii waan ka bogsaday waa hubaal in tanina aan ka boodi doono

Sureer:

Falisey si wanaagsan Ayaan kuu aqaanay manta waxa kaa muuqda waa dareen dhab ah mana filaayo in aad ka boodi doontid

Falis:

Inshah Allah waan ka bogsoon doonaa ee mid ii sameeya arrinteyda iyo go’aankayga igu tixgeliya

Falis markiiba qolka waa ka baxday Aamow oo goobta ku sugneyd ayaa Sureer ku tiri

Aamow:

Hadda maxaan sameynaa ma aqaan gabadhaan sida ay u fikireyso

Sureer:

I maqal adiga waxba ha oran Mursal xataa haddii aad aragto aniga igu daa ilaa labo maalmood Ayaan ka aamusi doonaa haddii isbadal imaan waayo aniga ayaa si toos ah u wajahayo Mursal wax walbana u sheegi doono

Aamow:

Inshah allah Qeyr ayay ahaan doontaa

Falis qolkii uu Maxamed Yare hurday ayay gashay oo wiilkeeda dhinaciisa seexatay iyada oo nafteeda la hadleyso ayay ku tiri “Wiilkayga noloshaan muda naawilaayey ayaa gaari waayey manta adduunyada rajada kaliya ee aan heysto ayaa tahay illaahay kuwii nolosha ku guuleysta hanaga dhigo”

Falis waa ay is dhiibtay guuldaradana waa aqbashay balse waxa ay wax walba ka daadegi la’ yihiin waa Aamow iyo saaxiibteed Sureer oo doonayo in ay arrintaan guusheeda ay hormuud u noqdaan

Aamow waxa ay qalbiga ku heysataa oo ay isku dejineysaa ayaa aheyd Sureer oo u sheegtay in ay arrinta faragelin doonto

Waa xilli galab Aamow dhar ay saaka dhaqday ayay feereyneysay Falis waa ay ka maqneyd guriga waxaa si lama filaan guriga u soo galay Mursal oo ka faa’ideystay albaabka oo furan markii uu gadaha soo galay ayaa uu daashka ku arkay Aamow oo uu ku yiri

Mursal:

Ii waran Aamina wiilkayga ma jiifaa

Aamow:

Haa Mursal maba kuu jeedinee goormaa soo gashay

Mursal:

Albaabka waa furnaa oo waxaaan arkaayey Falis oo ka sii baxeyso

Aamow:

Oo hadda ma albaabka ii furin

Mursal:

Maya hadda aniga ayaa soo xeray

Aamow:

Wiilkaaga waa uu hurdaa Falis ma joogto

Mursal:

Labadaba uma imam ee adiga Ayaan kuu socday

Aamow:

Sidee oo maxay tahay arrinta iga kaa soo gaashay

Mursal:

Maalin dhaweyd Ayaan sidaan oo kale guriga u imid Falis waan ka yaabanaa oo si wanaagsan ilama hadleynin xataa wejigayga waa ay iga qarineysay maxaa jira Falis maxaa ku dhacay aniga ma fahmin

Aamow:

Laakiin in aad guriga timid la iima sheegin

Mursal:

Ii sheeg side wax u jiraan maalintii ugu horeysay farxad ayaa ka muuqatay waxa ayna u ekeyd in ay aragtideyda ku faraxsaneyd sidee wax u jiraan Falis maxaa ku dhacay maxay ugu ekeyd in ay iga baxsaneyso

Aamow:

Mid aan ku weydiiyo dareenkaan kugu ogaa ee ku waalay intuu ku dambeeyey naftaada weli Falis dareen ma u qabtaa

Mursal:

Ma aqaan sababta aad su’aashaan igu weydiineyso

Aamow:

Waxaan is dhahay walaalkaa mid bogo dhayo ah ayaa uu helay oo ka bogsiisay dhibtuu jaceylka baday

Mursal:

Anigaaba ogoleyn in nafteyda aan cid kale u furo dareenka aan Falis u qabana waa mid aan qabriga la tagi doono mana laga yaabo In aan ka tanaasulo ileyn aniga ayaa diyaar u ah in dareenkaas aan la noolaado

Aamow:

Walaahi cajiib waaye hadaladana waa ay is burinayaan

Mursal:

Kuma fahmin

Aamow:

Haddiiba aad weli jeceshay Falis maxaan ugu dhiiragelineysay in ay fuliso codsiga Cadnaan micnaha xawaaladlaha

Mursal:

Laakiin adiga ma Falis ayaa kuu sheegtay

Aamow:

Sidee nin naag uu jecel yahay ugu dhiiragelinayaa in ay guursado mid kale taas adiga ma waxaad u aragtaa in naftaada ay ku nafiseyso

Mursal:

Waan ogaa in Falis ay Cadnaan codsigiida ku diiday ee waxaan is lahaa armuu nin kale nolosheeda ku jiraa waxaana ku ogaaday in cidna aysan nolosheeda ku jirin

Aamow:

Falis hadalkaaga waa ay ka xanaaqday maxaa yeelay Mursalow nasiib xumadaada Falis markii ay ku dareentay Ayaad iska fogeysay haddii aad si dareen leh aad u eegi laheyd waan dareemi laheyd waxa ayna u aragtay in gabadha ganacsiga kaala dhaxeeye ay tahay lamaantii naftaada

Mursal:

Yaa ilaahay waxaas ma jiraan Bilan waa la qabaa waana hooyo labo caruur leh waxaan dhici doonin in Falis aan ilaabo mana qabo in ay jirto gabar booska ay Falis qalbigeyga ku leedahay badali karto

Aamow:

Waxaan dareemayaa in isfahamdaro dhexdiina ah in ay jirto ee hadda maxaan yeelnaa

Mursal:

Arrinta aniga igu daa caawana cashada igu tasho halkaan Ayaan seexanayaa Falis iyo Aniga waan soo dhameyn doonaa kala fogaanshaha noo dhaxeeya

Aamow oo aad ugu faraxday hadalka Mursal ayaa tiri

Aamow:

Farxadiina waa farxadeyda waan hubaa haddii Falis aad horfadhiisato aad is fahmi doontaan haddaba waa ay soo laabaneysaa ha dhararin

Mursal:

Halkey aaday

Aamow:

Reerkaan nagu dhagan ayaa Aroos qabeen oo wiilkooda ayaa gabar loo keenayey marka saaka ma aysan aadin waxa ay igu tiri soo dhaweynta Ayaan kala qeyb galayaa waan hubaa halkaan ayaa ay u soo dukan doontaa

Mursal:

Dhib malaha xilli kasta waan sugayaa caawa meel uma socdo waan hubaa in ay wax walba ay fiicnaan doonaan saacado kadib

Aamow:

Inshah allah Kheyr

Mursal isaga oo faraxsan isla markaana rajo fiican ay ka muuqato ayaa uu guriga hore u galay sidoo kale Aamow dhankeeda ayay ka faraxsaneyd Yaase Falis u sheegi doono in faraxadii nolosheeda ay caawa guriga kaga sii horeysay mana aysan sawiran Karin cida xaafada caawa kaga sii horeysa.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More