Sheekadii Xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 118aad

Falis iyo Mursal waxa ay ku jireen habeenlkii noloshooda ugu farxada badnaa waxa uuna qof walba kan kale kaga sheekeynayey maalmihii madoobaa ee uu jaceylka buuraha la koray waxaase mar kale xaalka dhinaca kale u rogay Mursal oo ku yiri Falis.

- Advertisement -

Mursal:

Ka waran reerkaaga maxaan ka yeelnaa

Falis oo laabtiisa ku jirtay ayaa la soo booday

Falis:

Ma taas ayaa dhib leh kaliya Aabe u tag una sheeg in aan heshiinay anigana Hooyo Ayaan wargelinaa waa intaas bes kadib waa la ii kaa mehrinaa maxaa kale hee

Mursal:

Guurka waa xiriir dhexmarayo labo reer hab maamuus loo marana waa uu leeyahay ma sidaas oo dhan miyaad xiriirkaas u daciifineysaa Falis

Falis:

Reer warsame Cali adiga hore ayaad ula xiriirtay mana qabo in uu jiro wax intaa ka weyn

Mursal: 

Aniga waxaan rabaa in aan reerkaaga adiga kaaga gogol fadhiisto sidoo kalana aan kaa bixiyo gabar intii laga bixiyo aroos wanaagsan na loo dhigo

Falis:

Waa arrin fiican laakiin macaane aniga sidaa oo dhan guur weyn uma rabo kaliya in dunta la siu kaaya xero

Mursal:

Ma guurka weyn ayaad diideysaa mise reerkaaga Ayaad ka fogaaneysaa 

Falis inta ay istaagtay ayaa ay ku tiri

Falis:

Ma ogtahay in reerkaas aan aniga xagooda ka dhintay oo aan u tirsaneyn mana rabo in mar kale inaan gurigaas ku noqdo

Mursal:

Laakiin gurigaas waa gurigii lagaa dhalay sideedana dagaalka iyo xanaaqa waxaa fiican in laga soo noqdo

Falis:

Qoftaas aniga maaha ma ogtahay in xataa guriga reer Warsame Cali laga mamnuucay in xataa magaceyga lagu dhex sheego maxaa kale, weli qalbigeyga kama go’in hadalkii uu Qadar igu yiri aabahey igama garaabin oo Qadar ayaa uu usha u dhiiibtay marka maxay tahay sababta aan ugu noqonayo ileyn hora ayaa la iigu dhigay in dhibaato kasta oo I soo gaarta aan albaabkaas soo istaagi Karin, Gabar walba marka noloshii  ay dooratay ay ka burburto marjac waxa u ah guriga waalidkay ma ogtahay sababta aan u aadi waaye maalintaas waa Qadar dartiis 

Mursal:

Macaanto maalintaas qof walba waa uu saxnaa adiga Aabe iyo Qadarba qof walba si ayaa uu wax u arkaayey iyaga haddii ay kuu arkayeen in aad qaldaneyd haddana adiga waa saxneyd maaa yeelay noloshii aad go’aansaday ayaad u huleeshay

Falis: 

Aniga xilligaas guur diyaar uma aheyn laakiin cabsida uu Qadar igu abuuray ayaa go’aankaas u qaaday nolosheyda qaribantay xataa isaga ayaa u sabab ah maxaa yeelay go’aan aan laga fiirsan in aan qaado ayaa uu igi qasbay

Mursal:

Iska ilow Maanta Ayaad nolol aad wax badan ka fiirsaday go’aansaday sax

Falis:

Si fiican waliba dheh aad ku faraxsan tahay 

Mursal:

Hadda mid aan ku su’aalee ma igu kalsoon tahay aniga

Falis:

Waliba nafteyda Ayaan kaaga kalsooni qabaa ee maxaa jira

Mursal:

Noloshaada Ayaan rabaa in wakil aad iga dhigatid

Falis inta ay qosohsya ayaa ay tiri

Falis:

Kaalay adiga ma soo waalatay sowtu caawa nolosheyda kuu hibeeyey maxay tahay wakaalada ku harsan ee aad I weydiineyso

Mursal:

Micnaha wax walba oo arooskeena ku saabsan in aad aniga ii wakiilato

Falis:

Maxaad damacsan tahay

Mursal:

Wanaag oo kaliya igu kalsoonoow meel xun kuma dhigayo

Falis:

Waan ogahay ka waran haddii aad caawa halkaan seexato

Mursal:

Ma aniga ayaa rabo in aad kaa fogaado

Falis:

Ok haddii ay sidaa tahay waa in aan casho kuu diyaariyaa

Mursal:

Cashadii aan jeclaa Ayaan rabaa

Falis inta ay gadaal u soo laabatay ayaa ay ku tiri

Falis:

Habeeno kale ayaa ka badan ma filayaa in caawa aan kuu heli doono balse waxaan hubaa in aad nagu ag qadi doonin oo aan casho fudud kuu keenayo

Mursal:

Xilli hore ayaa la ii sameeyey ee Aamow weydii

Aamoow oo caawa oo dhan aan albaabka qolak ay ku jiraan Falis iyo Mursal aan ka ag kicin ayaa la soo booday

Aamow:

Haa mar hore Ayaan diyaariyey cashadiisa ee adiga iska fadhiiso aniga ayaa keenayo

Falis oo yaabka soo haray ayaa tiri

Falis:

Side micnaha waad sii ogeyd wax walba miyaa 

Aamow:

Isaga lee weydii haye Mursal lamaantaada u sheeg hee 

Mursal:

Kaalay Falis waxba sheekada gadaal ha ugu noqon kaliya farxada aan ku jirno hana deeqdo 

Aamow markiiba cashadii ayay soo diyaaisay oo si wadajir loo wada casheeyey iyada oo qof walba qofka kale uu afka u gelinayo habeenkaas farxad ayay ku qaateen sheekada waa ay la dheeraatay mar habeenkii kala bar tagay ayay Falis ku tiri.

Falis:

Waa in aan seexanaa macaane

Mursal:

Haye halkee la ii diyaariyey oo aan seexanaa aniga 

Falis:

Qolkayga ayaad seexaneynaa aniga iyo wiilkaygana Aamow Ayaan caawa la seexaneynaa

Mursal:

Ka waran haddii aan isla seexano

Falis:

Waryaa ma waalan tahay sidee ku keentay in aad sidaas u fikirto

Mursal:

Laakiin aniga wax kuma dheelayo marti edeb leh Ayaan noqonaa

Falis:

Waxba ha dhararin iyadaaba iska imaan doonto 

Mursal:

Laakiin mid ima sheegin 

Falis:

Maxay tahay

Mursal:

Wakaalada ima dhiibanin

Falis:

Caawa waxaan cadeynayaa in wax walba oo nolosheyda ku saabsan aan adiga kaaga dambeeyo haye maxaa kale

Mursal:

Waa intaan rabay 

Falis:

Haye habeen wanaagsan qolkaaga anigana qolkayga Ayaan tagayaa

Mursal:

Habeen la mid ah sidoo kale Riyo wanaagsan Ayaan kuu rajeeyey

Falis:

Sidoo kale Macaane

Mursal qolkiisa ayaa uu galay waxaana jirtay hadaf uu lahaa oo uu ku donayey in Falis iyo reerkeeda dib u mideeyo Meeshana uu ka saaro cuqdada raagtay ee u dhaxeysa waana uu ku rajo weynaa inuu ku guuleysanayo.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More