Sheekadii Xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 119aad –

Mursal subax wanaagsan oo uu farxada la soo kacay ayaa u baryey saaka waxaana markii uu soo diyaar garoobay loo sheegay in quraacda ay miiska diyaar ku tahay quraacda kadib ayaa sheekadaan dhex martay isaga iyo Falis oo subaxaas isaga dartii jikada u gashay waxaana hadalka furtay Falis oo ku tiri.

- Advertisement -

Falis:

Waxaan dareemayaa in saaka aad shaqo tageyso sax

Mursal:

Haa qolo aan la balansan nahay ayaa jirta oo aan u tagayaa

Falis:

Kolay xilliga qadada Ayaan ku sugeynaa

Mursal:

Ma filayaa in aan idiin imaan karo

Falis:

Side Mursal ma qoladii aad la deganeyn Ayaan ku laabaneysaa runtii taa ma jecleysan eek ani waa gurigaaga.

Mursal:

Maya maya sidaa maaha cashada Ayaan imaanayaa ma jirto sabab aan cid marti ugu ahaado sow halkaan gurigeyga maaha.

Falis:

Sidaas Ayaan kaa sugaayey haye waan ku sugeynaa 

Sidii ayaa uu Mursal ku baxay oo baabuur banaanka u taagnaa ku raacay maalintaa isaga maalin weyn ayaa ay u aheyd waxa uuna doonaayey in arrimo badan uu so qabto sidoo kale ayaa u qorsheysneyd inuu Falis reerkeeda la kulmo.

Mar salaadii Casir laga soo baxay ayaa uu Mursal xaafada ku soo laabtay qolkiisa ayaana u gudbay waxaa loo sheegay in Falis ay hurudo iyada iyo wiilkeeda. In cabaar ah markii uu sugay oo aysan soo kicin ayaa uu Aamow u sheegay in Falis la toosiyo oo ay daruuri tahay.

Falis la yaab ayay ku noqotay markii loo sheegay in Mursal uu arrin muhiin ah ugu baahan yahay markiiba cabsi ayaa gashay hadana ma jirin dhinac ay cabsida u ridi karto markii ay u soo gashay qolkii uu ku jiray ayay ku tiri.

Falis:

Mursal maxaa daran ii sheeg dhib miyaa jira

Mursal:

Cabsida iska daa horta casirka ma dukaday

Falis:

Maya markaan qadeeyey Ayaan seexday ee ii sheeg maxaa jira

Mursal:

Horta soo duko waan hadleynaa

Falis:

Mursal waad I cabsi gelineysaa 

Falis:

Cabsi ma jirto ee soo duko

Falis iyada oo sidii hore ka degan ayay qolka ka soo baxday weyso ayayna qaadatay oo ay qolkeea ku laabatay si ay salaada u Oogto ilaahay mahadii markii ay salaadeedii soo gudatay ayay u soo laabatay Mursal oo weli halkiisa fadhiya ayay ku tiri .

Falis:

Haye maxaad ii sheegeysaa kolay in wax dhib uusan jirin Ayaan u qaatay

Mursal:

Waa sidaas 

Falis:

Bal hadal waan ku maqlayaa

Mursal:

Waxaan jecleysaty in caawa aan waqtiga la qaadanao reerkaaga si aan adiga gacantaada u warsadana reerka oo dhan Ayaan casho caawa gurigeena ugu casuumay ka waran.

Falis oo yaab ka so haray ayaa tiri

Falis:

Kuma fahmin halkee ku casuuntay

Mursal:

Halkaan iyo gurigeena 

Falis:

Horta Mursal ma fiyow dahay sidee, ma is weydiisay inta waqti ay u baahan tahay in casho loo diyaariyo qoys dhan mase la soctaa hadda inta saac ee ka dhiman gabalka dhaca sidee ku diyaarin karnaa wax kale iskaba daayee xataa cuntadii loo baahnaa guriga diyaar kuma wada ah.

Mursal:

Laakiin 

Falis:

I maqal Mursal afkaad reer Warsame Cali ku casuuntay ku wac oo ku dheh casuumadii waa baaqatay.

Mursal:

Laakiin sabab maxaan u sheegaa

Falis:

Oo intaan hadal aan kuu sheegaayey maba aadan la socon ma waqti Ayaan heysanaa oo aan casho ku diyaarino waa ku sidee Mursal isku noqo oo fikir.

Mursal oo dhibkaas oo dhan heysan ayaa la soo booday

Mursal:

Si fiican Ayaan kuu gartay ee adiga saacadaha kuu harsan macaanto naftaada ma ku diyaarin kartaa oo labiskaaga iyo is qurxintaada ma kugu filan tahay.

Falis:

Aniga waaba ay igu filan tahay ee cashadane mise ceebaad nala rabtaa Mursalow.

Mursal:

Cashada waxba ha ka fikirin walaahi Muqdishu waa ay tagtay waxaan la soo heshiiyey maqaayada dalabka guriga noogu geyneyso isma laheyn maqaayado noocaan oo kale ayaa Muqdishu ka jira.

Falis:

Hadda ma waaad I leedahay cashadana waxba ha ka fikirin oo iyada oo diyaar ah ayaa la keenayaa.

Mursal:

Waliba miiskooda iyo wiilashadii miiska diyaarin lahaa waa ay la socdaan waxba ha ka weli welin macaanto kaliya adiga iyo wiilkaada is diyaari oo kaliya.

Falis culeys weyn oo saarnaa ayaa ka dhacay waxa ay u guda gashay is diyaarinteeda Mursal kooxdii uu balansaday ee cashada u diyaarineysay ayaa u timid waxaana la isku afgartay in qeybta dambe ee guriga cashada lagu diyaariyo si wanaagsan oo aad u quruxsan ayaa gogosha loo dhigay cid kasta oo aragta ayaana jecleysan kartay.

Falis si wanaagsan ayay isu soo diyaarisay waxa ayna u hamuun qabtay in walaalaheed ay la kulanto mudo kadib wallow aysan marnaba u diyaarsaneyn in ay Qadar gacan qaado.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More