Sheekadii Xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 121aad

Cashadii kadib ayay Falis iyo hablihii la dashay ay bilaabeen in ay alaabta Meesha ka guraan waxaana isu soo haray Mursal iyo Falis waalidkeed oo uu wehliyo Qadar waxaana hadalka Furay Mursal Yiri.

- Advertisement -

Mursal:

Aabe waxaan rabaa in beri aan si buuxda aan kaga soo gogol fadhiisto Falis xoolana aan ka bixiyo.

Aabe Warsame:

Mursalow Aabe reerkaan ayaad ka tirsan tahay reer Warsame Calina oo aan aniga u weyn nahay waxaan rabnaa in Falis oo caruusadaada ah oo aad u qurux badan aan kugu wareejino wax kale lagaama rabo.

Mursal:

Maya Aabe Falis qaali ayay igu tahay waxaana rabaa in sidii dhaqanka noo ahaa aan ka Xoolo dhiibo waxba yaan la igu diidin.

Hooyo Maryan:

Sidaad jeceshahay wiilkayga gabadha ninkeeda ayaa quruxsada waana kuu deynay

Mursal:

Mid yar oo aniga iyo Falis aan weli isku fahmin ayaa jirta mana aqaan sida aan ku ogoleysiinayo

Aabe Warsame:

Ii sheeg wiilkayga wixii khilaaf caawa ayaa la xalinayaa

Mursal:

Khilaaf ma jiro ee waa kala aragti duwanaasho noo dhaxeysa aniga waxaan rabaa in Falis guriga reerkeeda laga soo galbiyo oo iyada caruusad ah gurigayga loo soo guuriyo balse iyada waxaas oo dhan ma rabto bes in la mehriyo kadibna aan dhaqano ayay rabtaa aniga taa waa ii cuntami ladahay Falis farxad ayay u qalantaa iyo in maalinteeda loo cayaaro.

Hooyo Maryan:

Alla wiilkayga maxaan isku aragti nahay farxada Fais maalin kasta Ayaan rabbiga ka baryay maantana ducadayda ayaa la aqbalay Falis guriga reerkeeda ayaana laga soo galbinayaa iyaduna ma diidi karta oo aniga ayaa la hadlayo .

Qadar:

Falis waa curadka reer Warsame Cali aroos hoose kama yeeleyno Aroos weyn oo aan Hotel ku dhigna ayaa dhacayo Mursal waa balan in Falis oo aad u qurux badan xagaaga loo soo guuriyo.

Mursal:

Mahadsanid Qadar

Markiiba waxaa soo gashay Falis oo tiri 

Falis:

Haye maxaad isku keenteen 

Hooyo Maryan:

Falisey arrini waa ay soo dhamaaday adiga maalin qura ayaad heysataa maalin kadibna waxaa lagaa rabaa in aad ku soo wareegto xagayga si aan qaban qaabanada arooskaaga u wada galno Mursal oo u helo fursad uu gurigiisa ku diyaarsado.

Falis oo aan hadalka Meesha la geeyey jecleysan ayaa inta ay Mursal u jeesataya ku tiri

Falis:

Mursal maxay tahay waxa aan maqlayo adiga iyo aniga horaan u hadlay waliba arrintaan waan isla meel dhignay.

Mursal:

Arrimaha oo dhan Hooyo Maryan ayaa la wareegtay hadalkna iyada ayaa goysay

Falis:

Hooyo sidee aniga sida aad wax u wadaan ima cajibinin sidaana wax uma rabo Hooyo I faham

Hooyo Maryan:

Maxaan ku fahmaa hee aniga curadeyda ayaa la aroosayaa ma geed I qariya jiri kara waa in alalaaskayga la wada maqlaa.

Falis:

Hooyo Gabadhaada Aroos hore ayay u gashay ma taa Ayaad iska indho tireysaa 

Hooyo Maryan:

Arooskaas maaba aniga ii xisaabsan Falisey beri wixii halkaan kaa yaalo soo aruurso baabuur Ayaan kuu soo dirayaa diyaarintaada iyo qurxintaada kolay adiga iyo cida aad u xulato ayay idiin taalaa narrimaha kalana aniga iyo Qadar noo daaya haye Xaaji.

Aabe Warsame:

Waa sidaad sheegtay Xaajiya Falis hadalkaan dib looga noqon maayo waa sidii ay hooyadaa u goysay

Falis waa loogu adkaatay hadalkii wax walbana waxa ay noqdeen sidii Hooyo Maryan iyo Mursal ay rabeen.

Habeenkaas halkii ayaa lagu wada duceysatay laguna balamay si wadajir la isku gacan qaaday oo la isa macasalaameeyey waxaase jirtay in mar kale haddana Falis aysan gacan qaadin walaalkeed Qadar.

Falis si aysan xaajo u qorsheysanin ayaa loo dhigay haddana ma jirin awood ay dul saari karto hadalkii Hooyadeed iyada oo ay ku adag tahay ayay aqbashay cidii ugu horeysay ee ay la ahadashay ayaa waxa ay ahayd saxiibteed Sureer oo xaalka wax badan la socotay waxayna ugu bishaareysay in arooskeeda u soo guda galay. 

Falis maalinteedii la siiyey ayay isku diyaarisay alaabteeda ayay xerxerneysay waxaa u soo gashay Aamow oo ku tiri.

Aamow:

Falisey gabar ayaa kuu joogto

Falis:

Yey tahay 

Aamow:

Walaahi aniga weligey ma arkin baabuur cad ayay gacanteeda ku wadadaa horena uma arkin adiga ayay ku weydiisay aniga qolka fadhiga Ayaan geeyey.

Falis: 

Kolay ma fahmin waan u soo baxaa ee waxay cabto u geey

Falis wax yar kadib ayay u soo baxday balse markii ay qolka fadhiga soo gashay ayay la yaabtay cida sugeysa waxa ay ku tiri.

Falis: 

Alla Samiira walaashay ii waran walaahi qalbigayga kuma soo dhicin waan la yaabanaa cida I sugeysay. 

Samiira:

Maasha allah ma maantaa meel aan kaaga haro jirtaa Hambalyo walaashay 

Falis: 

Mahadsanid

Samiira:

Qadar ayaa xalay ii sheegay walaahi ma maleyn kartid sida aan kugu farxay Kun jeeer Hambalyo.

Falis: 

Maasha Allah hooyo ayaa I qasbeyso rabtana in aroos weyn ay dhigto

Samiira:

Walaahi in maalin laguu cayaaro waad u qalantaa noo ogolow in aan farxada kula wadaagno Dumaashi aniga maalintaa waqtigeyga ayaad leedahay.

Falis: 

Maasha allah ka waran wiilkayga 

Samiira:

Aad ayuu u fiican yahay

Sidii ayaa lagu balamay in maalinta arooska maalin ka hor in ay Samiira soo wareegado sidaana farxada iyo howsha kala qeyb qaadato Falis oo aheyd qof ku qaali ah.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More