Afar Senator oo kusoo baxay doorashadii Kismaayo iyo arrimo …

Kismaayo (Axadle) – Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhinaca Jubbaland, taasi oo ay goobjoog ka ahaayeen guddiga hirgelinta doorashooyinka.

Doorashada maanta oo aheyd mid xasaasi ah, islamarkaana billow u aheyd doorashada Aqalka Sare, ayaa kusoo baxay Afar Senator, halka ay ku tartamayeen 9-xubnood, ayada oo qaar kamid ah soo bixistooda ay hore u baahisay Axadle, kadib markii ay heshay xog ku aadan u gacan gelinta kuraastaas oo uu sameeyay Axmed Madoobe.

Kursiga Koowaad ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Iyaas Gabboose iyo Maxamed Axmed Sayid, halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo kamid ahaa musharixiintii horey loo shaaciyey uusan ka qeyb-gelin tartanka doorashada ka dhacday Kismaayo.

Maxamed Axmed Sayid ayaa helay 17 cod, halka Iyaas Bedal Gabboose uu helay 55 cod, waxaana sidaas uu ku noqday Senatorkii 1-aad ee loo doortay Aqalka Sare.

Kursiga Labaad ayaa waxaa ku tartami lahaa Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac, hase yeeshe waxaa tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac, waxaana u codeysay 71 mudane, wuxuuna sidaas Fartaag ku noqdo Senator-ka labaad ee kusoo baxa doorashada.

Kursiga Saddexaad ayaa waxaa ku tartamay Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, waxaana 59 cod ku guuelystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan halka Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay 12 cod.

Kursiga Afaraad ayaa sidoo kale waxaa ku tartami lahaa Ibraahim Yacquub iyo Iftiin Xasan Iimaan Baasto, hase yeeshee Ibraahim Yacquub ayaa tanaasuley, waxaana sidaas ku hantay Iftiin Xasan Iimaan Baasto oo cod gacan taag ah ku noqdo Senator-kii Afaraad ee ku guuleysta kursigaas.

Arrimaha yaabka leh ee ka dhacay doorashada maanta ka qabsoomtay magaalada Kismaayo ayaa aheyd in badanaa ay musharaxiinta qaarkood tanaasuleen, halka qaarkood hore looga sii shaqeeyay in cod aqlabiyad ah kusoo baxaan.

Axadle ayaa hore u baahisay xog ay heshay oo sheegaysay in Madaxweynaha Jubaland uu Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftiin Xasan Baasto u madax baneeyay inay keensadaan xubno la tartama oo ay ku kalsoon yihiin.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Senator Fartaag uu keensaday darwalkii gaarigiisa, halka Senator Iftiin Xasan Baasto uu keensaday wiil la dhashay xaaskiisa, kaas oo uu Senator-ka u diray waxbarasho dibadda ah.

Sidoo kale ilo wareedyo kale ayaa Axadle u sheegay in Senator Fartaag uu isagana keensaday darwalkii u waday gaarigiisa.

Labada Nin ee ay keensadeen Fartaag iyo Iftiin ayaa u tanaasulay, waxayna sidaas ku heleen cod aqlabiyad ah oo ay uga mid noqonayaan Senator-da cusub ee Aqalka Sare.

Labadaan masuul ayaa safka hore kaga jiray shaqsiyaadkii Axmed Madoobe ku garab siiyay dagaalkii adkaa uu la galay madaxweyne Farmaajo, waxaana xusid mudan in Fartaag ay isku beel yihiin madaxweynaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More