Agaasimihii Xiriirka & Warbaahinta xafiiska Ra’isalwasaaraha…

Calinuur Salaad agaasimihii xiriirka & Warbaahinta ee Xafiiska Raisalwasaaraha ayaa Khamiistii 30-July-2020 iska casilay xilka Agaasinka Xiriirka & Warbaahinta Xafiiska Raisalwasaaraha, Calinuur ayaa iscaislaadiisa waxa uu u gudbiyey xogahayaha cusub ee KMG ah Cabdirisaaq Xuseen Aadan.

- Advertisement -

Sida ay Axadle u sheegeen xubno ku dhow xafiiska sii hayaha xilka Raisalwasaaraha agaasimihii xiriirka & Warbaahinta ee Xafiiska Raisalwasaaraha ayaa ka tegey shaqada kaddib markii lagu wargeliyey in looga baahan yahay la qabsiga iyo fahamka isbeddelka ku dhacay xafiiska, sidaas awgeedna ay tahay in fuliyo dhowr shaqo oo ay kamid yihiin:-

  1. In uu gado kana shaqeeyo suuqgeynta doorasho qof iyo cod ah
  2. In uu u shaqeeyo sidii uu u shaqeyn jiray isaga oo adeegsanaya dhammaan isla-awoodihii iyo xirfaddii uu kuwaday howsha xafiiska agaasimihii xiriirka & Warbaahinta ee Xafiiska Raisalwasaarah.

28-July-2020 ayaa Wareegto uu soosaaray sii hayaha Raisalwasaaruhu waxa xilka looga qaaday Xoghayihii Joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi, waxaana xilkaas si kumeelgaar ah loogu magacaabay Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo katirsanaa Shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More