Amiirka Qadar oo Madaxda Dalal Soomaaliya ay kamid tahay la wadaagay Hambalyada Ciidda

Maanta oo Jimco ah waa 29-ka Bisha Ramadaan, waxaana gelinka dambe ee maanta la raadinayaa Bisha Shawaal oo ah tan Tobonaad oo haddii la arko Berri ay noqon doonto maalinta koowaad ee Ciiddul Fidriga, balse haddii la waayo Axadda noqoneyso.

- Advertisement -

Inta badan Wadamada Islaamka marka Bisha Ramadaan Gaarto 29-waxaa marka uu gabbalka dhaco la raadinayaa curashada Bisha Soonfur, si loo xaqiijiyo in lasii wadayo Soonka iyo in la afurayo.

Madaxda dalalka Carabta ayaa bilaabay in ay isku sii bogaadiyaan Munaasabadda Ciiddul Fidriga, waxaana ay isku rajeeyeen in alle uu aqbalo Acmaasha Bisha Ramadaan oo maanta la sooman yahay 29.

Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad Aala-Thaani ayaa la xiriir telefoon la sameeyay Madaxda Wadamada Urdun, Falastiin, Soomaaliya, Ciraaq Jamhuuriyadda Tunisia iyo Aljeeriya si uu ula wadaago Hambalyada Ciiddul Fidriga.

Sheekh Tamiim ayaa mid mid ula hadlay Madaxdaan waxaana ugu horeyn uu la hadlay Boqorka Urdun (Jordan) Cabdalla Al-thani Bin Xuseen, waxaana sidoo kale uu wacay Madaxweynaha Ciraaq Dr. Barham Saalax, Madaxweynaha Tunisia Qays Saciid, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Aljeeriya Cabdimajiid Tabuun iyo Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maazin.

Qadar waxa ay xiriir wanaagsan la leedahay dhammaan Dowladahadaan, waaana tan keentay in uu Amiir Sheekh Tamiim uu la hadlo, isla markaana la qaybsado Farxadda Munaasabadda Ciiddul Fidriga.

Sheekh Tamiim, cilaaqaad wanaagsan kalama dhaxeeyo Dowladaha ugu tunka weyn Carabta sida Sacuudiga, Imaaraatka, Masar, Bahreyn, Liibiya, Morooko iyo kuwo kale, waana dalalkii go’doomiyay dowladdiisa iyo kuwii taageeray go’aankaas.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More