AWM:waxan xirnay askar si qaldan ula dhaqmay suxufiyiin

974,106

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in la xiray Labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo loo haysto in Xabsi iyo is hor istaag ku sameeyay Wariyayaal ka howl galayay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya

- Advertisement -

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in la xiray askar loo heysto tacadiyo ka dhan ah Wariyayaal ku guda jiray Shaqadooda isaga oo sheegay in Sharciga la horkeeni doono maalamaha Soo socda.

“Waxaa goor dhaw xabsiga la dhigay labo askari oo ka tirsan Ciidamada Booliiska kuwaas oo si aan sharci waafaqsanayn ula dhaqmay suxufiyiin ku guda jiray hawl maalmeedkooda, waxaana Talisku Boolisku ballan qaaday in ay sharciga lala tiigsanayo askarta xiran” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.

Ciidanka qalabka Sida ayuu sheegay in looga baahanyahey ka fogaadaan falalka lidka ku ah dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla,sida oo ku bogaadiyay howlaha sugida Amaanka Magaalada Muqdisho.

“Ciidamada Qalabka sida waxay mudanyihiin in lagu bogaadiyo, laguna garab istaago hawlaha sugidda amniga, balse waxaa loo baahanyahay in ay ka fogaadaan falalka lidka ku ah dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur oo raaligali siiyay bahda warbaahinta Soomaaliyeed ayaa xusay,in ay qaadayaan talaabo kasta oo lagu Xaqiiji karo badqabka wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Hadalka ka soo baxay Waaxda Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa imaanayo iyada oo dhawaan wariyeyaal duubayay banaan bax ka socday Magaalada Muqdisho ay Xireen Ciidanka Booliska Soomaaliya.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More