Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Cadaado.

Hogamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, Wasiiro ka tirsan Galmudug, Xildhibaano, maamulka iyo bulshada magaalada ayaa soo dhoweeyay.

- Advertisement -

Axmed Madoobe ayaa ka soo kicimay magaalada Garowe oo uu saddexdii cisho ee la soo dhaafay u joogay aaskii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo hogamiyihii hore ee Puntland.Image may contain: 7 people, people standing

Hogamiyaha Jubbaland ayaa halkaasi u tagay in uu la kulmo la qaato qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxa uuna marti qaad rasmi ah ka helay siyaasiyiin iyo ganacsato ka soo jeeda Galmudug.

Axmed Madoobe ayaa sida qorshuhu yahay galinka dambe ee maanta safar dhanka lugta ah ku soo gaari doono Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad-goboleedka Galmudug halkaasi uu uga qayb galiya wajiga 2 aad ee shirka Hogamiyayaasha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada dalka kaas oo bari oo ah ka furmaya Dhuusamareeb.Image may contain: 3 people, people standing, wedding and outdoor

Magaaladda Dhuusamareeb ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay waxaana halkaasi galabta gaari doona Hogamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wafdigaasi hordhac ah ay maanta gaareen caasimada Galmudug.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Hogamiyayaasha Maamul goboleedyada dalka, Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin ayaa ku sugan Dhuusamareeb waxaana si maalin ah ugaara wufuud kala duwan.Image may contain: 4 people, people standing

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More