“Barakac bilowday” xili ciidanka DF ay qabsadeen xarumo ku yaala Guriceel

322,425

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay gacanta ku dhigeen Magaalada Guriceel ee Gobolka Galguduug.

- Advertisement -

Arrintan ayaa ka dhalatay markii Ciidamada taabacsan Ahlu Sunna Waljamaaca ay xalay isaga baxeen Magaalada iyada oo fiidkii horena is rasaaseyn dhexmartay labada dhinac.

Rasaasta ayaa ka dhalatay Gaari ay leedahay Ahlu Sunna oo uu saarnaa Qoriga B10-ka oo u goostay dhinaca Ciidamada dowladda,waxaana halkaas isku rasaaseeyay Ciidankii Ahlu Sunna iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Guraceel ee Ahlu Sunna Cabdullahi Maxamed Barre, ayaa dowladda Federaalka ah ku eedeeyay in Ciidamada galay Guraceel iyo Wasiirka arrimaha gudahaba uusan isagu la socon waxaana uu is rasaaseyntaas dusha ka saaray dowladda Soomaaliya.

Barre waxaa uu sheegay in Guraceel uu saaka ka socdo Barakac ay sameynayaan dadka degaanka oo uu sheegay in ay ka cararayaan colaadda wasiirka arrimaha gudaha ka wado Gobolka.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in iyaga amar lagu siiyay in aysan rasaas ku ridin Ciidamada dowladda Soomaaliya islamarkaana aysan dooneyn in dagaal uu ka dhoco Guraceel.

Waxaa uu Dowladda Federaalka ah ku eedeeyay in ay colaad ka hurineyso Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay qabsaday Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan kaddib markii ay halkaas kula dagaallameen Ciidamo taabacsan Ururka Ahlu Sunna waljamaaca.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu Wasiirkeeda arrimaha gudaha ku suganyahay Gobolka Galguduud si dib loogu dhiso dowlad Goboleedka Galmudug.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More