Baxreyn, Sacuudiga iyo Qadar oo Soomaaliya ugu hambaleeyay…

Boqorka dalka Baxreyn Xamad Bin Ciisa Al-Khaliifa ayaa dhambaal hambalyo ah iyo bogaadin ah u diray Madaxweynaha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sabab la xiriirta munaasabadda 60-sano guurada kasoo wareegtay xornimadda dalka.

- Advertisement -

War kasoo baxay Madaxtooyada Baxreyn ayaa lagu yiri “Boqor Xamad Bin Ciisa waxa uu bogaadin iyo garab istaag u muujinayaa shacabka iyo Xukumadda Soomaaliya oo maamusaya markii xornimada ay ka qaateen gumeystihii muddo isticmaarsanayay, waxa uu alle ugu baryay in dib usoo laabato awoodda iyo dowladnimada Soomaaliya”.

Khaliifa Bin Salmaan Al Khaliifa Ra’iisul Wasaaraha Baxreyn ayaa dhiggiisa Soomaaliya la hadlay, iyaga oo iska xog-warreystay xiriirka labada dowladood, intaas kadib waxa uu la wadaagay fariinta munaasabadda 60-sano guurada madax banaanida Soomaaliya.

Boqortoooyada Sacuudiga war kasoo baxay waxa ay Soomaaliya la wadaagtay Munaasabadaha Todobaadka Xorriyadda dalka, iyada oo bogaadisay doorka firfircoon ee Dowladihii dalka soo maray tan iyo burburkii ay ku laayeen dib usoo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Qadar ayaa dhiggiisa Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ugu mahad celiyay dadaalka Xukumadda, xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Xukuumadda Dooxa iyo isbadalada muuqda ay ku tallaabsatay Xukumadda Federaalka.

Dowladaha Carbeed oo ay Soomaaliya Xubno wadaag ku yihiin Ururada Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa qaarkood xiriir wanaagsan kala dhaxeeya Xukumadda talada heysa xiligaan.

Maanta waxaa 60-sano laga joogaa kolkii Gobolada Koofureed Madax banaani ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga, waana israacii Waqooyiga iyo Koofurta oo halkaas ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More