CAR oo ku dhawaaqday musiibo qaran xili daadadku ay hoy la’aan

225,821

Kumaan kun oo dad ah ayaa guryo la’aan ah. Ka dib laba maalmood oo roob iyo fatahaad ba’an ay ka jireen Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

- Advertisement -

Axadii, dawladdu waxay sheegtay in in kabadan 20,000 oo qof ay hoy la’aan yihiin guud ahaan gobolladeeda iyo 8,000 oo dheeri ah oo caasimada Bangui ku nool.

Isku duwaha mid ka mid ah xeryaha degdega loo sameeyay ee loogu tala galay dadka daadadka ku fatahay in ay dagaan ee Bangui ayaa ka walaacsan in guryaha badan ay dhici karto inay soo dumaan.

In aad aragto wax sanado badanso dhiseysay oo burburaya, taasi waa ay adag tahay, waxaan dareemayaa murugo.

Xaqiiqdii, waxaan u baahan nahay caawimaad. Guryaha qaar waa bubureen. Qoysasku guryahooda dibedda ayey ka joogaan. Way adag tahay markaad ka baxdo gurigaaga, si lama filaan ah. “In aad aragto wax sanado badanso dhiseysay oo burburaya, taasi waa ay adag tahay, waxaan dareemayaa murugo ”, ayuu yiri Rock Lionnel Koigningbo.

Xaaladda ayaa ka sii dartay kadib markii uu buuxdhaafay wabiga Oubangi, oo ku yaal koonfurta-galbeed ee caasimada. Gobolku wuxuu codsanayaa taageerada caalamiga ah.

Firmin Ngrebada waa Raiisel Wasaaraha Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

“Dowladdu waxay si adag ula tacaaleysa ilaa bilowgii musiibada si ay u caawiso walaalaheena dhibaataysan, laakiin marka la eego baaxadda musiibada iyo gaar ahaan xaalada adag ee uu dalku ku sugan yahay, dowladda ahaan. Aniga ku hadlaya magaca raysalwasraha jamhuuriyada iyo madaxa wadanka, waxaan cadeynayaa in ay arrintan ay tahay masiibo qaran waxaanan codsaneynaa midnimo qaran iyo mid caalami ah ”, ayuu yiri Ngrebada.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, roobab mahiigaan ah oo usbuucyadii la soo dhaafay sababay koror aan caadi aheyn oo kor uu qadey heerarka wabiga Oubangi.

Xigaasho Reuters

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More