Ciidamada DFS iyo kuwa DG Jubbaland oo Jubada Hoose ka…

Saraakiisha Militariga DFS gaar ahaan qaybta 43-aad iyo kuwa daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa wadajir u sheegay in howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab in ay ka sameeyeen Gobolka Jubada Hoose.

- Advertisement -

Meelaha howlgalka laga fuliyay waxaa kamid ah Deegaannada Taabta, Cabdalla Biroole iyo Kulbiyow oo kawada tirsan Gobolka Jubada Hoose, isla markaana u dhaw Saldhigyo ciidamada Xukumadda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Deegaannadaas.

Talisyada 43-aad ee Militariga Soomaaliya iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay in ay weerareen saldhigyo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen, waxa ay meesha ka saareen in ay iska caabbin la kulmeen.

Al-Shabaab ayaa waayihii dambe qaraxyo gelineysay waddooyinka Deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose, waxaana yaraaday isu socodka Gaadiidka Ciidamada Xukumadda, Jubbaland iyo AMISOM.

Saraakiisha oo dhawaan kulan yeeshay waxa ay ku go’aamiyeen in la sameeyo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab si nabadgalyada isu socodka waddooyinka dib loogu soo celiyo, si aysan go’doon u galin Saldhigyada Ciidamada.

Afhayeenka Hay’ada ammaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay waxa uu tilmaamay in Askarta iskaashaneysa ee DFS iyo kuwa Maamulkaas ay dileen xubno katirsan Al-Shabaab.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More