Ciidanka Amaanka oo ku raad-jooga rag dilay wiil Soomaali ah

3,245,425

LONDON, UK – Muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee CCTV oo caddeyn u noqonaya dilka 18-sano jir ayaa Arbacadda maanta ah lasoo bandhigay.

- Advertisement -

Fahad Maxamed Nuur ayaa dhintay markii meel ku dhow boosjeetada tareenka ee magaaladda Cathays oo ka tirsan Cardiff lagu tooreeyay 2-da bishii June.

Muuqaalka, oo uu baahiyey booliska Koonfurta gobolka Wales, ayaa wuxuu muujinayaa saddex rag oo ku soconaya aagaas oo xirnaa waqtigii khaarjinta.

Saddexda qof ayaa waxaa lagu soo dacweeyay dilka Mr Nuur, waxaana lagu wadaa in ay maxkamadda kasoo muuqdaan bisha dambe ee November.

Mark O’Shea, oo ah taliyaha bileyska, ayaa daboolka ka qaadey in marqaatiga dhabta ah aan wali la aqoonsan “inkasta oo ay jiraan baaritaano balaaran”.

Sidda laga soo xigtay sarkaalkan, xubnahaan oo laamaha ammaanka codsadeen in laga caawiyo qabashadooda ayay “cadahay in ay iyagu dambiga geysteen”.

“Waa waajib in aan carabka ku adkeeno in aysan noqon [shaqsiyaadka] kuwa looga shikiyey ama lala xiriirinayo habka dhimashada Fahad,” ayuu raaciyey.

Mr Nuur, kaasoo ku dhasyay Muqdisho, magaala madaxda Soomaaliya, oo dal dhac dhaca Geeska qaaradda Afrika, ayaa qoyskiisa kula noolaa Cathays.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More