Ciidanka Kenya oo lagu amray in ay u diyaar garoobaan ka…

Ciidamada Difaaca Kenya ee looyaqaan (KDF) ayaa dhiseen sedex goobood oo qalabaysan oo 1,500 bukaan ah midkasta lagu karaantiili karo “hadii xaaladu gacanta ka baxo,” sida Dailynation ku warantay.

Goobaha, oo leh bad dhan (capacity) 4,500, ayaa lagu aasaasay amarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo sidoo kale ah taliyaha guud ee ciidamada Kenya, waxa loo adeegsan doonaa la dagaallanka faafitaanka coronavirus (Covid-19) haddii loo baahdo.

Madaxweynaha ayaa askarta ku amray in ay noqdaan “kuwo howl gal diyaar u ah” loona tababarayo qaabka ay uga jawaabi karaan faafitaanka Covid-19, oo gaaray inta badan wadama dhaca geeska Afrika oo laga dayrinayo sida ay u helikaraan adeeg Caafimaad oo hufan.

- Advertisement -

Ciidamada qalabka sida, oo leh tababaro Caafimaad, oo isku jira rag iyo dumar leh xirfado aad u ballaaran, waxaa laga fili karaa in ay bixiyaan taageero caafimaad iyo gaadiid sahayda muhiimka ah sidoo kale amaanka ayay masuuliyad iska saari doonaan sida ay ku warantay Dilynation.

Agaasimaha KDF ee Adeegyada Caafimaadka Sarreeye Guud George Ng’ang ayaa lagu amray in uu diyaariyo dhakhaatiirtiisa taas oo qayb ka ah jawaabta 1aad ee fayraska ka dillaacay dalka Kenya.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy