Covid-19 oo dib ugu soo laba-kacleeyay Canada! – Axadle

Dowladda Canada ayaa sheegtay in kiisas cusub oo Covid-19 ah laga helay qaybo kamid ah dalkeeda oo maalmihii lasoo dhaafay hoos u dhac ku socday xaaladaha dadka laga helayo xannuunka.

Canada ayaa ku jirta booska 26-aad ee kala sareynta kiisaska waddamada caalamka laga helay xannuunka Coronavirus, waxaana ka diiwaangashan 178,117 oo ah tirada dadka uu ku dhacay cudurka, 9,585 oo dhimasho ah & 149,524 oo ka caafimaaday.

Wasaaradda Caafimaadka Canada ayaa sheegtay in kiisaska cusub ee xannuunka dilaaga ah ee Covid-19 uu muujinayo khatarta faafitaanka, maadaama ay suuragal tahay in uu haleelo dad ka badan tirada diiwaanka gashay.

Gobolka Ontario ee dhaca Bariga-Bartamaha dalka Canada isla markaana soohdin la leh Mareykanka iyo Harooyinka waaweyn ee Waqooyiga Ameerika ayaa ugu badan meelaha uu ku laba kacleynayo xannuunka.

Waa halka ugu badan ee Soomaalida kunool Canada ay ku sugan yihiin, waxaana bulshada kunool Gobolka Ontario lagu sheegay 14.57 million sida ku cad baaristii ugu dambeysay ee la sameeyay (2019).

Canada ayaa u aragta u gudubka cudurka Coronavirus in uu uga soo tallaabay dhanka Mareykanka oo kaalinta 1-aad ku jira kiisaska dadka uu ku dhacay cudurka, dhimashada iyo kuwa ka caafimaaday.

Qaar kamid ah Soomaalida kunool Canada gaar ahaan Gobolka Ontario oo la hadashay Warbaahinta gudaha ayaa walwalka ugu badan waxa ay ka muujiyeen kiisaska maalinlaha ah ee la diiwaangelinayo.

Dowladda Canada ayaa dhankeeda  wada dadaal dheeraad ah si bulshada loogu celiyo guryahooda, sabab la xiriirta kahortagga faafitaanka xannuunka coronavirus oo kiisas kala duwan laga diiwaangeliyay.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More