Cumar Finish oo gudoomiyihii Degmada Wadajir xilka ka qaaday…

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa gudoomiye cusub u magacaabay degamada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Gudoomiye Cumar Finish ayaa guddoomiyaha cusub ee dagmada wadajir u magacaabay Bashiir Maxamed Cali oo ah wiil dhalinyara ah horeyna uga shaqaynayay xafiiska Xukumadda Hoose ee Xamar.

Xilka Gudoomiyaha degmada Wadajr ee Gobolka Banaadir waxaa hore u haayay C/raxmaan Maxamed Cali oo ay walaala yihiin guddoomiyaha cusub ee la magacaabay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa u rajeeyay gudoomiyaha cusub in uu xilkiisa sida ugu wanaagsan u guto, kana shaqeeyo hormarinta degmadaasi.

Degmada Wadajir oo degmo ka mid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ku taalla goob istiraatiiji ah,waxa ay leedahay dhowr laami oo gala, mid waxuu ka so galaa wadada wayn ee garoonka diyaaradaha Adan Cade ee, mid kale waxuu ka soo galaa Bangaariyo halka midna uu ka soo galo wadada korontada.

Degmadda waxaa ku yaala isbitaalada Banadir iyo Mediina iyo Aadan Cadde Iyo safaarada Mareykanka,wadajir waxay leedahay Labo Suuq oo Kala Suuqa weyn Iyo Suuqa Buula Xuubey.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More