Daacishta Soomaaliya oo go’aan ka qaadatay Amiirka cusub ee ISIL

747,710

Muqdishu, Soomaaliya– Garabka Soomaaliya ee kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka ayaa war-saxaafadeed “adheecitaan ah” waxay u dirtay hogaamiyaha cusub ee Daacish, sidda laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

- Advertisement -

Bayaanka ayaa yimid markii la xaqiijiyey geerida Abuubabar Al-Baqdaadi, aas-aasihii ISIL, kaasoo Mareykanka howlgal ku khaarijiyey.

Abu Ibrahim al Hashimi al-Qurayshi ayaa waxaa loo magacaabay Amiirka cusub ee Daacish, kaasoo aanan wali muuqaalkiisa la helin.

Qoraalka oo nuqul kamid ah lasoo dhigay bogaga taageera Daacishta Soomaaliya ee aalada Telegram ayaa waxaa kasoo muuqday dhowr dagaalyahano oo hubeysan, kuwaas oo hareerahooda ay ku yaaliin geedo.

Sawirka ayaa waxaa la socday qoraal kooban kaasoo ay ku balanqaadeen in ay daacad u noqonayaan horjoogahooda cusub.

Quraishi oo lagu magacaabay cod ay soo duubtay kooxdiisa ayaa waxay wacad ku mareen in ay ka aargudan doonan ciidanka Mareykanka.

Gulufka lagu khaarijiyey Baqdaadi ayaa ka dhacay waqooyi galbeed ee Suuriya, waxaana qeyb ka ahaa sirdoonka dowlado badan.

Sidda laga soo xigtay Mareykanka, Quraishi ayaa waxaa haatan u bilaabatay in ay tirsamaan maalmihiisa joogitaanka aduunka.

Donald Trump oo ku faanay “in aad u garanayaan Quraishi” ayaa ku goodiyey in ay ciidamada dalkiisu guda geleen uruurinta xogtiisa.

Daacishta Soomaaliya oo xubno u dagaalama badankooda kasoo goosteen Al-Shabaabka taabacsan Al-Qaacida ayaa waxaa ay aad ugu xoogan yihiin degaanada buuraldeyda ah ee Puntland, waxaana hogaamiya Cabdiqaadi Muumin.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More