Daawo: Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo war cusub

Muqdisho (Axadle) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada Ikraan Tahliil oo muddo badan lagu la’yahay gacanta Hay’adda Nabad-Sugidda ee NISA oo shir jaraaid qabatay ayaa sheegtay in kiiska gabadheeda aan ilaa hadda wax laga qaban.

“Iyadoo ay hadleyn culumadii, waxgaradkii beelaha Hawiye iyo siyaasiyiinta weli dowladda Soomaaliya wax way ka qaban la’dahay kiiska gabadheeda, waa arrin yaab leh oo aan horey uga dhicin Soomaaliya, gabadheeda waxay iga maqan tahay muddo laba bil ah,” ayey tiri Qaali Maxamuud.

Hooyo Qaali ayaa sheegtay inay wacday nambarada Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse nasiib darro waxay tilmaamtay inaan laga jawaabin wicitaankeeda.

Hooyo Qaali ayaa tilmaamtay inaysan dalka doorasho ka dhici doonin illaa laga soo daayo gabadheeda, waxayna ku hanjabtay inay iyagana soo afduuban doonaan dad kasoo jeedo qabiil ay sheegtay inay heystaan gabadheeda.

“Gabadha waxay kasoo jeedaa 10 qabiil, dadkeeda dhan waxay ka kala tirsan yihiin ciidamada Gorgor iyo Haramcad, madaxweyne Farmaajo haddii aad rabto inaad dadka isku dhameyso adiga ayey kuu taallaa, haddii kale kasoo hadal xariga gabadheeda Ikraan.” ayey tiri mar kale Hooyo Qaali oo ilmeeneysa.

Hooyo Qaali ayaa ugu dambeyntii sheegtay inuu soo wacay Fahad Yaasiin oo ah taliyaha hey’adda NISA islamarkaana uu u sheegay inay ka war sugto muddo laba maalin ah, waxayna sheegtay inuusan illaa hadda lasoo hadlin lana marayo muddo laba bil ah.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya baaritaanka lagu hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar u shaqeyneysay hay’adda NISA oo hadda la la’yahay muddo laba bil ah, kadib markii la waayey 26-ka June.

Ikraan ayaa aheyd gabar aqoonyahanad, oo aad ugu wanaagsan qorista warqadaha xiriirka xafiisyada sida dowlad ama hay’adaha kale. Ikraan ayaa dhex-daganeyd xeendaabka NISA, ee ka xiran cirifka global iyo kan KM-0, taasi oo hay’adda farta kusoo fiiqday.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda wadatay Ikraan iyo cidda bixisay amarka lagu watay Ikraan, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee ku ehelka ah Ikraan iyo kuwa aan ku ehelka aheynba waxay eedeeyeen madaxda sare ee hay’adda NISA.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee hooyo Qaali

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More