DEG DEG: Qarax ka dhacay agagaarka xerada Xalane

2

Muqdisho (Axadle) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay meel u dhow albaab laga galo xerada Xalane ee shisheeyaha ay degan yihiin ee Caasimadda Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay, qaraxa ayaa ka dhacay degmada Wadajir, gaar ahaan inta u dhaxeeysa bar kontorool oo laga galo Xalane iyo xerada Jeneraal Gordon.

Sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal, waxaa qaraxa lala beegsaday 

maqaayad ku dhow meel lagu qaado canshuurta dowlada hoose, balse weli ma cadda nooca uu ahaa qaraxa, inkasta oo warar horudhac ah ay sheegayaan inuu ahaa is-miidaamin. 

Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay qareaxa, balse weli ma cadda tirada rasmiga ah.

Qaraxa ayaa imanaya toddobaad kadib markii Axadle ay shaacisay xog ku saabsan digniin kasoo baxday xafiisyada amni ee ay hay’adaha ajnabiga ah ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo sirdoonka Soomaaliya, oo ku saabsaneyd inay Muqdisho ka dhici kaaraan weeraro culus.

Xogta ay bixiyeen khubarada amniga, oo ay heshay Axadle, ayaa sheegeysay in weerarada qaraxyada ah ee laga cabsi qabo ee ka koobnaan; kara rag soo xirtay jaakadaha qarxa, gaadiid qaraxyo ah iyo qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee badanaa lagu dilo wadaha gaariga.

Halkan ka aqri xogtii iyo digniintii aan bixinay 7-dii September. 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More