DF oo shaacisay duqeyntii u horeysay oo muddo bilo ah xarumo…

Muqdisho (Axadle) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in duqeyn cirka ah maanta lala beegsaday dagaal yahanada Al-Shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug.

War-saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay dhacday barqanimadii maanta abaaro 11:15Am, taasi oo lagu bartilmaameedsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Qoraalka marnaba laguma shaacin goobta ay duqeynta ka dhacday, marka laga imaado inay kamid tahay deegaanada maamulka Galmudug, oo ay ciidamada dowladda ka wadaan howl-galo looga sifeynayo Shabaabka.

“Cabsidii ugu weyneyd ee Al-Shabaab soo wajahday ayaa dhabowday. Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Luulyo 11-ka barqanimo ayaa duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab ka dhacday Deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, taasi oo lagu difaacayey geesiyada Ciidanka Kumaandooska ah Xooga dalka ee DANAB” ayaa lagu yiri qoraalka kasooo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Duqeyntaas ayaa aheyd sida lagu sheegay war-saxaafadeedka mid lagu ilaalinayey ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Danab ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada deegaanada maamulka Galmudug.

“Duqeynta lagu difaacayay Ciidanka wax dhibaato uma geysan dadka rayidka ah. Ciidanka Xooga dalka iyo DANAB way sii wadayaan dadaalada ay ka wadaan dowlad goboleedka Galmudug, si ay uga xoreeyaan shacabka Soomaaliyeed falal xaasidnimada ee canaasiirta Al-Shabaab.”

Sidoo kale dawladda Soomaaliya ma sheegin cidda gaysatay duqyantan, hase yeeshe waxaa la rumeysan inay qeyb ka ahaayeen saaxiibada Soomaaliya ee ka taageera dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

19-kii Janaayo ee sannadkan ayey ahayd markii duqayntii ugu dambaysay ee rasmi ahaan loo shaaciyey uu Maraykanku ka gaystay Soomaaliya, xilligaasi wixii ka dambeeyey dawladda Maraykanku ma sheeganin wax duqayn ah oo ka dhacday Soomaaliya.

“Haddii aynu wada-jirno, Al-Shabaab wax uma dhimi karaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka ay Wasaarada Warfaafinta kasoo saartay duqeymaha maanta laga fuliyey Galmudug.

Si kastaba, duqeynta ay sheegtay dowladda in lala bartilmaameedsaday Al-Shabaab ayaa imaneysa xili ay maalmahan ay dagaallo ku dhexmarayeen degaanno u dhow Bacaadweyne iyo Camaara ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More