DFS oo kalluumeysatada uga digtay in ay tagaan Xeebaha,…

War kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS ayaa loogu digay Kalluumeysatada iyo dadka ku dhaw Magaalo Xeebeedyada deegaanno katirsan Koofurta Soomaaliya.

- Advertisement -

Roobab mahiigaan ah iyo Dabaylo isla socda ayay sheegtay in ay ku wajahan yihiin Magaalooyinka Kismaayo, Afmadow, Jamaame, Badhaadhe, Marka, Baraawe iyo deegaanno kale oo ka kala tirsan Dowlad Goboleedyada KGS iyo Jubbaland.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa kalluumeysatada ugu baaqday in aysan gudaha gelin badda, sabab la xiriirta in ay nugul yihiin khatarta saadaasha digniinta ah ee la bixinayo.

Qoraalka Wasaaradda waxaa intaa lagu daray in suuragal tahay Roobka iyo Dabaysha is wata in ay burburiyaan Doomaha yar yar, Deegaannada ka dhaw Xeebaha iyo meelaha kale ee u nugul, sidaas awgeed dadka la farayo in ay ka fogaadaan wax waliba oo naftooda halis gelin kara.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More